Isgaarsiinta Baydhabo oo hawadda laga saaray iyo ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo militari bilaabay

0
Wednesday October 16, 2019 - 21:15:36 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isgaarsiinta Baydhabo oo hawadda laga saaray iyo ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo militari bilaabay

    Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka socda waddada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba. Ma cadda shaqadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka socda waddada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba. Ma cadda shaqadii isgaarsiinta hakadku ugu yimid, hase yeeshee ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay inay la xiriirto dhaqdhaqaaqyada dhinaca amniga oo ay ku lug leeyihiin ciidamada maamulka iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah hawlgalka AMISOM. Maalintii shalayna qarax ka dhacay degaanka Lughabare oo u dhow magaalada Buurhakaba ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Itoobiya. Qaraxaas ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ah ciidamada Itoobiya. Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa ka soo socday dhinaca Buurhakaba, waxaana la sheegay inay maanta u suurta-gashay in ay safarkooda sii wataan kadib qaraxa shalay galab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip