Puntland Oo Shaacisay Tirada Iyo Dalalka Laga Leeyahay Maraakiib Wada Kalluumaysi Sharci Darro Ah

0
Wednesday October 16, 2019 - 21:07:58 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Shaacisay Tirada Iyo Dalalka Laga Leeyahay Maraakiib Wada Kalluumaysi Sharci Darro Ah

    Maamulka Puntland ayaa shaaciyay tiradda Maraakiib iyo dalalka laga leeyahay,kuwaasi si sharci darro ah uga kalluumeysta Xeebaha ku yaalla deegaanada Puntland. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Puntland Faarax Cawa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay tiradda Maraakiib iyo dalalka laga leeyahay,kuwaasi si sharci darro ah uga kalluumeysta Xeebaha ku yaalla deegaanada Puntland. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje oo Shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in Maraakiibta Kalluumeysiga sharci darrada ka wada Puntland ay gaarayan ilaa iyo 18 Markab. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Maraakiibtaas laga leeyahay dalka Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan,isla markaana ay ku yihiin ku caan baxay kaluumeysiga sharci-darrada iyo gurashada kheyraadka ku jira Xeebaha Puntland.Sidoo kale Wasiir Faarax Cawaash Beeldaaje ayaa waxaa uu tilmaamay in Maraakiibtaas ay yihiin kuwo markata Puntland ka sameeya Kalluumeysi sharci darro ah,isla markaana dacwad ay ka gudbiyeen ayna Ciidamo dheeraad ah u diri doonaan Xeebaha Puntland si ay uga hortegaan arrintaasi. Inta badan Maraakiib laga leeahay dalal kale ayaa Xeebaha Soomaaliya ka sameeysta Kalluumeysi sharci darro ah kana gurta kheyraadka ka buuxa,iyadoona aysan jirin cid iska xilsaartay sidii looga hortegi lahaa Kalluumeysigaas sharci darrada ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip