Puntland oo shaacisay Magacyada Maraakiib Sharci-darro u kalluumeysta

0
Wednesday October 16, 2019 - 08:06:22 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo shaacisay Magacyada Maraakiib Sharci-darro u kalluumeysta

    Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay Maraakiib shisheeye oo ay sheegeen inay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan Xeebaha Maamulkaas. Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay Maraakiib shisheeye oo ay sheegeen inay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan Xeebaha Maamulkaas. Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay tirada Maraakiibtaas iyo dalalka laga leeyahay. Waxaa uu sheegay Wasiirka inay maraakiibtaan yihiin kuwo ku caan baxay kaluumeysiga sharci-darrada iyo gurashada kheyraadka ku jira Xeebaha Maamulka Puntland. Ilaa 18 Markab ayuu sheegay oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan inay yihiin kuwa kalluumeysta,isla markaana ay dacwad ka gudbiyeen sidoo kalena ay Ciidamo u direen Xeebaha Puntland. Baaritaano ayuu sheegay inay ku hayaan Shirkado kale iyo Maraakiib Shisheeye oo aan shatiyo ka heysan Wasaaradiisa,isla markaana kamid ah kuwa sida sharci-darrada ah u kalluumeysta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip