Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashey Shir Ku Saabsan Macdanta Oo Ka Dhacay Swezerland

0
Wednesday October 09, 2019 - 08:22:35 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashey Shir Ku Saabsan Macdanta Oo Ka Dhacay Swezerland

    Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa ka furmay Wadan ka Swezerland gaar ahaan Magaalada Geneva. Goobta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeen ka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa ka furmay Wadan ka Swezerland gaar ahaan Magaalada Geneva. Goobta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeen ka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS Maxamud Cabdiqaadir Hilaal Iyo Safiir ka U fadhiya Soomaaliya Geneva Ebyan Ladane iyo xubna kale ka qayb galay Shirka. In La dhiiri galiyo Shirkadaha ganacsada Macdanta heerar kooda kala duwan gaar ahaan ku yar yar iyo in Dowladaha ay u fududeeyaan imkaaniyaadka ay u baahanyihiin si wax soo saarka Macdanta caalamka kor ugu kaco.Sida uu Wakaaladda(SONNA) uu u sheegay Wasiir kuxigeenka,Shirkan inta uu socdo ayaa diiradda lagu saari doono arrimaha Macdanta Caalam ka gaar ahaan In la soo bandhigo Warbixin sanadeed ku aadan Saamaynta dhaqan dhaqaale, deegaan iyo cimila ahaan ku yeelatay shaqada Macdanta Wadamada ay ka hawl galaan shirkadaha ka ganacsado Macdanta iyo In kor loo qaado dowrka kobaca dhaqaale ee uu wadan kasta ku leedahay Macaadanta iyo sida uu uga faa'iidan karo. Sidoo kale shirkaasi waxaa lagu lafa guray in Dowladaha Macdanta leh ama soo saaro ay Siyaasad cad u sameeyaan wada shaqaynta Shirkadaha Macanta ka shaqaysta iyo Shacabka degan deegaanada ay ka hawlgalaan,si wada jir ahna loo ilaaliyo bad qabka Bay'ada deegaankaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip