Nin Loo Soo Xiray Xatooyo Oo Laba Askari Xabsiga Ku Dilay

0
Tuesday October 08, 2019 - 21:35:17 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Loo Soo Xiray Xatooyo Oo Laba Askari Xabsiga Ku Dilay

    Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado. Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado. Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste. Ninkan 29 jirka ah ayaa loo soo xiray eedeyn ku saabsan inuu mooto xaday. Askarta oo su'aalo weydiinaya ayuu codsaday inuu musqul aado, ka dibna wuxuu qori ka xoogay askarigii loo raaciyay inuu dusha kala socdo inta uu suuliga isticmaalayo. Waxaa goor dambe la arkayay isagoo dhismaha markuu kasii baxayay ridaya rasaas kale oo dheeraad ah.Waxaa lagu soo warramay inuu labada askari toogtay isagoo u dhow. Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Alejandro Augusto Meran ayaa goor dambe dib gacanta loogu soo dhigay. Labada askari ee uu dilay ayaa kala ahaa Pierluigi Rota iyo Matteo Demenego.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip