Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay goob lagu qarinayay hub sharci darro ah

0
Tuesday October 08, 2019 - 19:04:10 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay goob lagu qarinayay hub sharci darro ah

    Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu qarinayay hub sharci darro ah kaddib howlgallo lagu sugayay ammaan oo muddo todobaad ah ka socday qeybo ka mid ah dalkaas. Wakaalladda wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadu ay g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu qarinayay hub sharci darro ah kaddib howlgallo lagu sugayay ammaan oo muddo todobaad ah ka socday qeybo ka mid ah dalkaas. Wakaalladda wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 2,221 bastooladood, 71 qori oo nooca AK47 ah hubkaas oo lagu qariyay waqooyiga deegaanka qowmiyadda Amxaarada. Sida ay ku warrameen masuuliyiin la hadlay wakaaladda, howlgallada hubkan la soo qabtay ayuu howlgalkiisu billowday Sabtidii aynu kasoo gudubnay iyada oo ciidamaduna ay beegsanayeen dambiilayaal si sharci darro ah hubka ugu tallaabiya gudaha dalka Itoobiya. Warbixinta ayaa tilmaantay in hubkani lagu geliyay dalka iyada oo lagu soo qariyay booyadaha waa weyn ee qaada shidaalka ee ka yimaada dhanka dalka Suudaan. Dowladda Itoobiya ayaa gacan bir ah ku haysa arrimaha sharciyeynta hubka iyo dhaqdhaqaaqiisa iyadoo qaadashada hubkuna yahay mid aad u yar marka la jooga Itoobiya. Xukuumadda Itoobiya ayaa diyaarinaysa xeer ciqaab adag dusha kaga ridaya ganacsatada hubka kaas oo looga gol leeyahay in la joojiyo ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee dalkaas. Itoobiya oo xudduudda ay Soomaaliya la wadaagaan ku qabtay hub sharci darro ah


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip