Kooxda afduubka ku haysatay afartan badmaax ee u dhashay dalka Iran ayaa dalbaday lacag madax furasho ah hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto cid u ballanqaaday amaba siisay lacag madax furasho ah.

Burcad badeeda Soomaalida ah eek u weerari jirtey xeebaha Soomaaliya iyo xeebaha u dhow dhow ayaa hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo sanadihii la soo dhaafay kadib markii maraakiib hubeysan ay bilaabeen inay ilaalo ka qabtaan xeebaha Soomaaliya.

Waxaan ku jira xabsiyo ku yaal dalal badan oo caalamka ah dhalinyaro Soomaali ah kuwaasoo laga qabqabtay xeebaha badweynta Hindiya iyagoo doonayay inay afduubtaan maraakiibta marta badda