QISO KU CIBRA QAADASHO MUDAN!!

0
Tuesday February 16, 2016 - 19:54:21 in Maqaallo by
  • Visits: 2110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QISO KU CIBRA QAADASHO MUDAN!!

    (walaal fadlan qisadan aqrinteeda waxa ay kugu qaadaneysaa 1 daqiiqo, ha ka bakhaylin aqrinteeda lana wadaag walaalahaaga ka dibna fiiri in uu shaydaan isku dayayo in uu kuu diidayo in aad sidaas sameyso iyo in kale).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(walaal fadlan qisadan aqrinteeda waxa ay kugu qaadaneysaa 1 daqiiqo, ha ka bakhaylin aqrinteeda lana wadaag walaalahaaga ka dibna fiiri in uu shaydaan isku dayayo in uu kuu diidayo in aad sidaas sameyso iyo in kale).

Ilaahey ayaa waxa uu su,aal weydiiyay malakul-mowt waxa uuna ku yiri:wali ma oysay adiga oo qof baniaadam ah nafta ka qaadaya?

Malakul-mowt waxa uu ku jawaabay:hal mar ayaan qoslay,marna waan ooyay,marna waa cabsaday!!

Ilaahey ayaa weydiiyay goorma ayaad qososhay?

Malakul-mawt ayaa ku jawaabay:aniga oo isku diyaarinaya in aan nin nafta ka qaado ayaan arkay asaga oo jooga meel kabaha lagu sameeyo,wuxuuna ninkii kabaha u sameynaayay ku dhahayay kabaha si fiican iigu sameey si aan ugu labisto sanadka oo dhan,waa ku qoslay naftana waa ka qaaday inta uusan kabaha loo sameynaayay ku labisan.

Ilaah ayaa hadana weydiiyay maxaa kaa ooysiiyay?

Malakul-mowt ayaa ku jawaabay: waxaan ooyay marka aad igu amartay in aan nafta ka qaado naag ku foolanaysay meel saxaro ah oo aan cidna joogin waan sugay ilaa ay ka dhasho,markii ay dhashay ayaan nafta ka qaaday aniga oo la ooynaya ilamaha yar ay dhashay oo aad u oynaya,hooyadiisna aan nafta ka qaaday,cid bani aadam ah oo ka war qabtana aysan jirin maadaama meesha ay ku dhashay ay tahay meel saxaro ah oo dad iyo dugaag ka ag dhaweyn.

Ilaahey ayaa mar kale weydiiyay maxaad ka cabsatay?

Malakul-mowt ayaa ku jawaabay: waxaan cabsaday ka dib marka aad igu amartay in aan nafta ka soo qaado nin caalim ahaa,kaas oo qolkiisa uu ka soo baxaayay iftiin aad u badan mar kasta oo aan u soo dhawaado iftiinka ka soo baxaaya qolkiisa ayaa dib ii riixaayay awoodiisa waan ka cabsaday marka aan caalimkaas nafta ka qaadayay.

Ilaahey ayaa markaas weydiiyay malakul-mowt ma taqaanaa ninkaas caalimka ah ee aad ka cabsatay marka aad nafta ka qaadaeysay?

malakul-mowt ayaa yiri:maya ma aqaano!!ilaahey ayaa markaas u sheegay ninkaas aad ka cabsatay waxa uu ahaay ilmihii yaraay ee aad nafta ka qaaday hooyadiis ee saxaraha ku dhashay ood la oysay cidlada haysay,aniga ayaa kafaalo qaaday noloshiisa.

Sub xaana llaah Ilaahayow adiga ayaa wax waliba awooda ee arimahayga sahal aduun iyo aakhiro,adiga ayaana iga arzuqa meel aanan ka filaneyn,dunida oo dhan amarkaada ayey ku socdaan noo naxariiso aakhiro iyo aduun,amuurahayga iyo tan adoomadaada dhan hagaaji.yaa allaah.

Waxaa isku soo duba riday walaalkiin


Mohamed Abukar Sheik Hassan

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip