Wasiirka howlaha guud oo sheegay in xarumo waxbarasho loo dhisi doono dadka aan lixaadooda dhameystirneyn

0
Tuesday February 16, 2016 - 19:40:45 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka howlaha guud oo sheegay in xarumo waxbarasho loo dhisi doono dadka aan lixaadooda dhameystirneyn

    Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa sheegay in dhismayaal waxbarasho ay u sameynayaan Ardeyda Araga la' ee dugsiga Al-Nuur, kuwaasi oo uu kulan kula qaatay xaruntooda magaalada Mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa sheegay in dhismayaal waxbarasho ay u sameynayaan Ardeyda Araga la' ee dugsiga Al-Nuur, kuwaasi oo uu kulan kula qaatay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa maamulka iyo ardayda waxka barata Iskuulka ardayda araga la’ ee Al-Nuur, isla markaana loogu dhisi lahaa goobo waxbarasho si loo horumariyo waxbarashada dadka araga la’a

Maamule ku-xigeenka Iskuulka Al-Nuur ayaa ka codsaday Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska in ay gacan ka geysato sidii looga heli lahaa dadka araga la’a goobo waxbarasho oo u gaar ah.

"Baahi weyn ayaan u qabnaa inaan helno xarumo tan ka balaaran oo wax lagu baro ardayda araga la’a, sababtoo ah waxaa jirta arday badan oo nala soo xiriirtay oo gobollada dalka ku sugan, kuwaasi oo u baahan inaan u helno goobo wax lagu baro”ayuu yiri maamulka ku-xigeenka iskuulka.

Agaasimaha arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maryan Aadan Amiin ayaa tilmaantay in ay gacan ka geysan doonaan sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan, isla markaana loo horumarin lahaa aqontooda.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii dadka araga la’ loogu dhisi lahaa xarumo waxbarasho oo ay wax ku bartaan.

"Waxaan u howlgalayaa in baahida aad tabaneysaan inaan wax ka qabano, dowladda ayay mas’uuliyad ka saarantahay dhismaha xarumo wax lagu baro dadka arag la’, marka aniga ka Wasaarad ahaan gacan ayaan ka geysanayaa arrinta Insha Allah” ayuu yiri Eng, Saalax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip