Ruushka oo iska fogeeyay inuu duqeeyay Isbitaalo ku yaal Waqooyiga Suuriya

0
Tuesday February 16, 2016 - 15:05:57 in Wararka by
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo iska fogeeyay inuu duqeeyay Isbitaalo ku yaal Waqooyiga Suuriya

    Dowladda Ruushka ayaa iska fogeysay eedeymo la xiriiri dambi dagaal, kadib markii lagu eedeeyay inay duqeysay Isbitaalo ku yaala dalka Suuriya. Afhayeen u hadlay Aqalka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay in eedeymahaas aan wax cadeymo ah loo heyn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ruushka ayaa iska fogeysay eedeymo la xiriiri dambi dagaal, kadib markii lagu eedeeyay inay duqeysay Isbitaalo ku yaala dalka Suuriya. Afhayeen u hadlay Aqalka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay in eedeymahaas aan wax cadeymo ah loo heyn,

 In ka badan 50-ruux ayaa lagu dilay gantaalo lagu garaacay illaa afar isbitaal iyo labo iskuul oo ku yaala waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay ka taliyaan Kooxaha mucaaradka.

Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamtay weerarada lagu haayo goobaha adeega bulshada ay tahay dambi dagaal.

Ruushka ayaa ku eedeysay Turkiga iyo dalalka lale ee xulafada la ah ay ka mas’uul yihiin weeraradaas.

Dhaqaaqtiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in weerarada lagu qaaday Isbitaalada ku yaalla waqooyiga Suuriya ay ka mas’uul yihiin Ruushka ama dowladda Suuriya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip