Ciidamada Soomaaliland oo qof Shacab ah ku dilay Magalada Laas-Caanood

0
Monday August 19, 2019 - 11:07:14 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Soomaaliland oo qof Shacab ah ku dilay Magalada Laas-Caanood

    Wararka laga helayo Magalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomaaliland ay halkaasi xalay ku dileen mid ka mid ah dadka Shacabka ah ee ku nool Magaaladaas. Qofka Shacabka ahaa oo ay Ciidamadu d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomaaliland ay halkaasi xalay ku dileen mid ka mid ah dadka Shacabka ah ee ku nool Magaaladaas. Qofka Shacabka ahaa oo ay Ciidamadu dileen ayaa dad ku sugan Magalada Laas-Caanood waxaa ay Magaciisa ku sheegeen Cabdiraxmaan Cumar Faarax ( Soomadow),,waxana xilliga la dilayay ay Ciidamadu wadeen howlgal ay ku soo qabqabanayaan dadka sita hubka sharci-darrada ah ee magaalada lagu dhex haysto. In kastoo aan weli la ogeyn sababaha ay Ciidamada Booliska Soomaaliland u dileen Ninka Shacabka ahaa ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay ka dalbadeen in uu istaago xilliga ay howlgalka wadeen,hayeeshee uu cararay sidaasina lagu toogtay. Laamaha Amniga Magalada laas-Caanood weli kama hadlin dilka qofka Shacabka ay Ciidamada dhexdooda u geysteen,waxaana falkaasi ka carooday qaar ka mid ah ehelada Ninka la dilay, iyada oo meydka la geeyay Saldhiga Booliska Magalada Laas-Caanood. Magalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa dhowr jeer waxaa horay uga dhacay dilal kala duwna oo ay fuliyeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa la xiriira aanooyin dhinaca Beelaha ah,hayeeshee bilihii u dambeysay xaaladeeda ay aheyd mid wanaagsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip