Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya dhiggiisa Jabuuti

0
Monday August 19, 2019 - 10:20:07 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya dhiggiisa Jabuuti

    Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti, ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la yeesho dhiggiisa dalkaasi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti, ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la yeesho dhiggiisa dalkaasi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixinayay kulamada ay yeelan doonaan labada Madaxweyne ayaa sheegay inay ka wada hadli doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dowladood. Rasmi ahaan lama oga wax waxa ay daarran tahay booqashadan deg deg ah ee madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ku tagay dalka Jabuuti, iyadoo la ogyahay dhawaan in Jabuuti ay booqatay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma CabdiNuur Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo wax laga weydiiyay safarka madaxweynaha uu xiriir la leeyahay booqashadii Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa yiri'' Annaga nama khuseyso wasiir kale iyo wufuud ka socotay dal kale oo halkan timid, waxa na khuseeya waa waxa annaga iyo walaalaheenna Jabuuti naga dhaxeeya, waa waxa aan annaga iyo Jabuuti iska kaashan karno, taas ayaana ahmiyad noo leh, Marka Monica iyo cid walba ayaa iman karta halkan, Jabuutina waa dal xor ah". Madaxweyne Farmaajo waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi Fuursade
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip