Hirshabeelle Oo Hadashay Cabsi Laga Qabo Inuu Fataho Webiga Shabeelle

0
Sunday August 18, 2019 - 22:57:22 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeelle Oo Hadashay Cabsi Laga Qabo Inuu Fataho Webiga Shabeelle

    Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu mamnuucay in doomaha lagu dhexmaro Webiga Shabeelle ee mara qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeell

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu mamnuucay in doomaha lagu dhexmaro Webiga Shabeelle ee mara qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle ayaa sheegtay in laga cabsi qabto inuu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle,waxaana Wasaaraddu xustay inay saameyn Webiga ku yeelan karto doomaha lagu dhexmaro. Wasiir ku-xigeeka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqare oo Shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in xiligan laga Cabsi qabo fatahaada Webiga Shabeelle. Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqare ayuu baaq u diray dhammaan dadka Madaxda ka ah Kanaalada inay iska soo diiwaangeliyaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.Sidoo kale Wasiir ku-xigeeka ayaa digniin u diray dadka furaya Meelaha Caratuurka ah ee loo sameeyay inuu Webiga maro,waxaana uu tilmaamay in dadkaas laga qaado tallaabo adeg.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip