Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Goob Ay Ka Socotay Xaflad Aroos

0
Sunday August 18, 2019 - 16:56:15 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Goob Ay Ka Socotay Xaflad Aroos

    Qarax ka dhacay Magaalada Kabul ee caasimada Afqanistaan ayaa waxa dhashay khasaaro. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ka socotay xaflad aroos ,waxaana laga cabsi qabaa in khasaaro badan uu jiro. Dad goobjogayaal ah ayaa BBC u sheegay in q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax ka dhacay Magaalada Kabul ee caasimada Afqanistaan ayaa waxa dhashay khasaaro. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ka socotay xaflad aroos ,waxaana laga cabsi qabaa in khasaaro badan uu jiro. Dad goobjogayaal ah ayaa BBC u sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu is qarxiyay xilli lagu guda jiray xafladda arooska. Goobjoogayaasha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay arkeen maydad.

Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa u badan dadka haysta madhabta Shiicada.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada qaraxan oo ka dhacay bariga caasimada Kabul.

Xiisad ayaa si aad ah u kacsanayd inkastoo ay jirto in Mareykanka iyo Taalibaan sida la sheegay ay qarka u saaran yihiin heshiis nabadeed.

Qaraxan Ayaa ku soo beegamaya iyada oo 10 maalood ka hor qarax xooggan lala beegsaday afaafka hore ee salhig booliis oo ku yaalla magaalada Kabul,waxaana ku dhintay 14 qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip