Xukuumadda Somalia Oo Fariin Bogaadin Ah U Dirtay Boqortooyada Sacuudiga

0
Saturday August 17, 2019 - 23:26:32 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somalia Oo Fariin Bogaadin Ah U Dirtay Boqortooyada Sacuudiga

    Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa bogaadiyay howlaha iyo adeegyada ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u diyaarisay xujayda Sanadakaan. Wasiirka ayaa tilma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa bogaadiyay howlaha iyo adeegyada ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u diyaarisay xujayda Sanadakaan. Wasiirka ayaa tilmaamay horumarka wayn ay Boqortooyada Sacuudiga ka gaartay nidaaminta iyo fududaynta adeegyada xujayda sanadakan ,kuwaasi oo si heer sare ah loo diyaariyay, islmarkaasna lagu soo kordhiyay adeegyo casri ah. Wasaaradda Cumrada iyo Xajka Boqotooyada sacuudiga sanadkan waxa ay ku soo kordhisay adeegyo casri ah iyo Barnaamijyo, kuwaas oo ka qaybqaatay fududaynta adeegyada xujayda sanadakan.Wasiirka Awqaaf iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudiga sida wanaagsan ay xujayda Soomaliyeed ugu adeegeen, iyagoo u fududeeyay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay hiil walaaltinimo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip