Qodobada wax laga Bedelayo Ee Dasuurka Oo ay ka mid yihiin Awoodaha Madaxweynaha Iyo Ra'iisul Wasaaraha

0
Tuesday February 16, 2016 - 12:42:00 in Wararka by
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobada wax laga Bedelayo Ee Dasuurka Oo ay ka mid yihiin Awoodaha Madaxweynaha Iyo Ra'iisul Wasaaraha

    Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in qodobka awooda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha wax ka bedel lagu sameeyay.

Sidoo kale Mr Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa daaha ka rogay in wax ka bedelka Dastuurka KMG ay ku sameynayaan ay gacan ka siineyso Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Germany.

Isagoo sii watay hadalkiisa ayuu sheegay mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil in dhammaan maamul goboleedyada marka laga reebo maamulka Soomaaliland ay ka tala geliyeen wax ka bedelka Dastuurka isagoo qiray in Soomaaliland ay ku adkaatay balse dadka ka soo jeeda ay ka qeyb galin doonaan wadatashiyada la xiriira wax ka bedelka Dastuurka KMG sida uu hadalka u dhigay.

Shalay ayey ahayd markii guddiga dib eegista Dastuurka KMG ah markii ay warbixin ka siiyeen howlahooda Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xigasho:-shabellenews.com/




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip