Ganacsatada magaalada Beledweyne oo aqbashay inay isticmaalaan lacagta Shillin Soomaaliga

0
Friday August 16, 2019 - 00:02:22 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada magaalada Beledweyne oo aqbashay inay isticmaalaan lacagta Shillin Soomaaliga

    Kulan maanta ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa loogaga hadlay sidii loo socodsiin lahaa lacagta shillin Soomaaliga ah oo aan muddo sanado ah laga isticmaalin magaalada Beledweyne. Dood dheer kadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan maanta ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa loogaga hadlay sidii loo socodsiin lahaa lacagta shillin Soomaaliga ah oo aan muddo sanado ah laga isticmaalin magaalada Beledweyne. Dood dheer kadib ayaa ganacsatada iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa isku raacay in la socodsiiyo lacagta shilin soomaaliga oo ay baahi weyn u qabtay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiiraan sida ay sheegeen ganacsatada deegaanka. Guddi ka socda Ganacsatada ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay qaadan doonan lacagta shilin soomaliga ee Kun Shillin ah, waxaana maamulka Gobolka hiiraan ay ka dalbadeen in wax laga qabto dadka lacagaha been abuurka ah magaaalada soo galiya. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa ugu baaqay dhamaan bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan in ay qaatan lacagta shilinga soomaaliga isagoo hay'adaha amaanka ku amray in tallaabo adag laga qaado dadka suuqa soo galinaya lacagaha Feelsadaha ah. Magaalada Beledweyne ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa laga isticmaalayay lacagta mobaylada lagu isugu diro taasoo ay dhibaato weyn ku qabeen dadka ku nool magaalada. ganacsatada Beledweyne iyo maamulka Hiiraan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip