(La-Yaabka):- Carruur Jeebkooda Ka Soo Iibiyey Neef Ay Ugu Tala Galeen Udxiyadda

0
Wednesday August 14, 2019 - 11:29:15 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (La-Yaabka):- Carruur Jeebkooda Ka Soo Iibiyey Neef Ay Ugu Tala Galeen Udxiyadda

    Toddobo carruur oo u dhalatay dalka Indonesia ayaa la sheegay inay isku darsadeen Laca ay ku soo iibiyeen Neef Lo' ah, si loo qalo Ciiddan Al-Adxa. Carruurtaasi waxay muddo hal sanno ah kaydinayeen Lacagtaai, oo ay ugu talagaleen inay mar uun k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobo carruur oo u dhalatay dalka Indonesia ayaa la sheegay inay isku darsadeen Laca ay ku soo iibiyeen Neef Lo' ah, si loo qalo Ciiddan Al-Adxa. Carruurtaasi waxay muddo hal sanno ah kaydinayeen Lacagtaai, oo ay ugu talagaleen inay mar uun ku soo iibiyeen Neef la qalo maalmaha ciidda ee Udxiyadda.

Wiilashaasi waxay ku nool yihiin magaalladdaBogoree Gobalka Galbeedka Java, waxayna 60-KM dhanka Koonfurta kaga toosan tahay Caasimadda dalkaasi ee Jakarta.

Wiilashaasi oo ay da’dooda u dhexeyso 8 jir ilaa 18-jir waxay isku raaceen inay maalin kasta bar ka jaraan Kharjka loo siiyo Bas Raaca muddo 10-bilood ah, taasi oo ugu dambayntii noqotay Lacag badan oo u goyn karta Neef Lo’ ah.

Waxaana Wiilashaasi u rumowday Riyadoodii ahayd inay iibiyeen hal Neef, oo loogu talagalay Munaasabadda Ciidda Al-adxa ee Udxiyadda ee Xoolaha la gawraco, si loogu deeqo hilibka dadka Muslimiinta Fadliga Munaasabadda Ciidda



Wiilasha Talada Wanaagsan isku raacay ee soo iibiyey Neefka Lo’da ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Abu Bakar Sadiiq oo 13-jir ah, Antoni 12-jir ah, Zuhail oo 11-jir aj. Sayuqi oo 11-jir ah, Fauzan oo 11-jir ah, Sukatma oo 12-jir ah iyo Yudi oo 18-jir ah.

Antoni oo ka mid ah Wiilashaaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu waxa uu sheegay inay Fikraddaasi ka timid saaxiibkiisa Abu Bakar Sadiiq mar ay ku kulmeen MasjidkaAs-Salafoo ku yaalla TuulladdaArdioee magaalladdaBogorbishii September ee saannadkii hore.

Waxa uu intaasi ku daray inay ku raaceen Taladaasi, isla markaana uu qof kasta bilaabay inuu kala-bar lacagta ay Waalidkiisa siiyaan maalin kasta meel lagu kaydiyo, taasi oo lacag badan noqotay 10-bilood kadib, kuna soo iibiyeen Neef Lo’ ah.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay xilligaasi isku raaceen inuu qof kasta maalintiiba kayd u dhigo 10,000 oo Lacagta Rupiyah ee Indonesia oo u dhiganta 0.7 Dolalr.

Antoni waxa kale oo uu sheegay inay markii hore ahaayeen 13 carruur oo ku heshiiyey inay Lacagtaasi kaydsadeen, si ay u iibiyaan 2 Neef oo Lo’ ah Munaasbaadda Ciidda Al-adxa.

Waxa uu intaasi ku daray inay 6 6 carruur ka baxeen qorshihii, balse 7 carruur ay ku mintideen inay lacag kaydiyaan ilaa laga gaaray xilligii u dambeeyey.

Antoni waxa kale oo uu xusay inay Waalidkooda ka heleen taageero wax-ku-ool ah, halka Fowsan hooyadiisa ee Yani Maryani ka taageertay inay maalin kasta u kaydiso Lacagaha ay Qaaraan ahaanta isku darsadeen Carruurtaasi.

Lacag Ururintaasi waxay bishii June ee la soo dhaafay gaartay 21 million iyo toddobo boqol oo kun oo Rupiyah, oo u dhiganta 1,477 Dolalr.

Antoni oo ah Arday dhigta Fasalka 1-aad ee Dugsiga Hoose waxa kale oo Wareysigiisa ku sheegay inuu wiil kasta oo ka mid ah 7-da wiil uu gooni u kaydiyey lacag dhan 3 million iyo boqol kun oo Rupiyah ee Lacagta dalka Indonesia laga isticmaalo.

Neef Lo’ ah oo culayskiisu dhamaa 425 Kiilogaram ayey Carruurtaasi ku soo iibsadeen lacag dhan 21 million oo Rupiyah, iyadoo ninkii ay ka iibsadeen Lo’da uu u sameeyey Qiimo-dhimis, wuxuuna u soo celiyey Hal million oo Lacgta Rupiyah.

Wiilka yar ee Antoni waxa uu tilmaamay inay ku guuleysteen inay Neef Lo’ ah iibsadaan Ciiddan Al-adxa, taasi oo carruur badan ku abuurtay dareen ay iyaga kaga mid noqonayaan Carruurtaasi.

Haatan, ilaaa 14 carruur ah ayaa bilowday inay kaydsadaan Lacag lagu soo iibiyo Lo’ kale si loo qalo Ciidda Udxiyadda ee sannadka soo socda Insha Allaah ayuu Antoni ku soo gebagebeeyey Wareysiga uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip