Puntland oo war kasoo saartay xildhibaaada cusub ee Jubaland looga dhowaaqay

0
Tuesday August 13, 2019 - 17:57:05 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo war kasoo saartay xildhibaaada cusub ee Jubaland looga dhowaaqay

    Garoowe (Caasimada Online) –Xukuumadda Puntland ayaa u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe (Caasimada Online) –Xukuumadda Puntland ayaa u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, waxaana Puntland ay rajo wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah, ayada oo shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip