HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 12-KA AGOOSTO 2019-KA

0
Monday August 12, 2019 - 11:47:22 in Wararka by
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 12-KA AGOOSTO 2019-KA

    GEEDDI: FARMAAJO MARKA UU XILKA KA DE GO MIYUU RAADIN DOONAA MAQAAMKA XAMAR? Prof. Cali Maxamed Geeddi oo R/W ka soo noqday dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ayaa si kulul ugu hadlay dhismaha maqaamka Muqdisho iyo siyaasiyiinta mu caaradka ah ee ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GEEDDI: FARMAAJO MARKA UU XILKA KA DE GO MIYUU RAADIN DOONAA MAQAAMKA XAMAR? Prof. Cali Maxamed Geeddi oo R/W ka soo noqday dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ayaa si kulul ugu hadlay dhismaha maqaamka Muqdisho iyo siyaasiyiinta mu caaradka ah ee maalmahaan waday olo laha maqaanka caasimada. Geedi ayaa su'aallo ka keenay sabab ta madaxweyneyaashii hore u laaleen ma qaanka caasimada yeelato iyo su'aal uu isweydiiyay oo aheyd madaxweyne Farm aajo goorta uu xukunka ka dego miyuu dhihi doonaa maqaamka caasimada hala sameeyo.


PROF CALI MAXAME GEDDDDI

Cali Geeddi oo xiligaan ah lataliyaha madaxweynaha ayaa hadalkiisa u muuq day weerar cad oo ku wajahan madaxwe yneyaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku til maamay inay baabi’iyeen xaquuqdii caas imada iyo maqaankii ay yeelan laheyd.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii uu R/W ahaa in xukuumaddiisa ay diyaar isay sharciga maqaamka Muqdisho iyo in golle deegaan rasmi ah oo la dhisay ay doorteen guuddomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho, balse sharcigaasi uu baabi’iyay Sh. Sharif, Xasan Sheekhna dib u fiirin, sababta hadda ay u doodayaana ay tahay wax lala yaabo.

"Madaxweyne Farmaajo marka uu xuk unka ka dego miyuu marka dhihi doonaa maqaamka caasimada Muqdisho hala sa meeyo, intuu madaxweynaha yahay ayaa laga rabaa in maqaamkii Muqdisho la he lo, in ummadaan madalaad yeelato, in 4taan milyan ee bulshada xaquuq yeelato oo dad ay la xisaabtanto yeelato ayaa la rabaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada mucaaradka inaysan iska hor keenin shacabka iyo dowladdooda.

Wuxuu eeda maqaanka Muqdisho oo lasoo dhicin waayay ku eedeeyay xildh ibaanada labada qaran oo mas’uuliyado oda uu sheegay inay gabeen, loogana baa hnaa inay baarlamaanka mooshin ka ge eyaan xaquuqda caasimada, isagoo tilm aamay in aysan jirin xildhibaan maalin ka hadlay iska daayeen aysan xitaa qalbiya dooda kusoo dhicin.

"Shalay anoo madaxweyne ah ayaa dii danaa, shalay anoo wasiir ah ayaa dii danaa in xaquuq yeelato caasimada Muqd isho, waxaasi caqli soconaayo ma ahan ee umadda ha isku noqoto, madaxda qar anka ee maanta jirta yeysan noqon ku waan maanta sheegayo oo kale, ee mark eey xilka ka tagaan dhihin hala sameeyo, halagu dhaqaaqo ayaan qabaa” ayuu yiri Cali Geedi, oo hadii ay sameyn weydo DF maqaanka caasimada ay xilkeeda ku we yn do onto.

Ugu Danbeyntii mar la weydiiyay Porf. Cali Maxamed Geeddi caasimada Muqdi sho in ay dad gaar ah leeyihiin ayuu wux uu ugu jawaabay. ” Soomaalida seddax waaye, qof deegaankaan asalkiiba loogu yimid oo u dhashay, qof yimid ee xuquuq ku yeeshay, iyo qof ku dhashay oo xuquuq yeeshay, waagii deegaan aheyd dowladni mada intaan la qaadan ayey aheyd markii dowlad la noqday deegaanka dadkii loogu yimid xaquuq gaar ah ayey yeelanayaan, adduunkeeyna ka jirtaa, caasimadaha add uunka dadka ay qabtaan xuquu siyaasade ed oo gaar ah ayaa la siiyaa, xuquuqda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda waa lala wadaagaa, macnaha waxay tahay iya gaa xukumaayo waase lala wadaagaa, lkn meeshaan caasimad waaye, caasimadna waxyna noqotay dad deegaanoo loo yimid iyo dad deegaan oo dhaqaale ku leh oo canshuur laga qaado” ayuu yiri Cali Max amed Geeddi oo macho daro ku tilmaa may in la yiraahdo caasimada ku dhashay.

Xigasho:Caasimadaonline

SAYLICI " HADDII 28 SANNADOOD QAB YAAL ADI CAGAHA INA HAYN SHALAY HALKA AYNU JOOGNO TOBAN LAABKEED AYEYNU JOOGI LAHAYN”

https://hiiraan.com/images/gallery/2019/aug/201981163701109564166074300334.jpgShacabka Somaliland ayaa Shalay si weyn loogu ciiday ciidal Ad xa oo ka mid ah labad da ciidood ee islaamka u gu weyn.

Hiirtii waaberi ee saaka ayaa dadweynuhu u dareereen garooma da waaweyn ee lagu oogayo salaadda Cii dda, markii la soo tukaday laba ragcadood ee salaadda Cii da waxay dadweynuhu u dareereen xaa fadihii si ay usoo q ura acdaan, halka qaa rkood suuqa buux dhaf iyeen, waxa anay dadka wajiyadooda laga da reemay ey far xada iyo nuurka ka mu uqda, iyadoo qof walba qof kale ku salaam ayey Ciid mubaa rak iyo ciid wanaagsan.

Waddooyinka iyo goobaha lagu nasto waxa buux dhaafiyey caruur loo soo xidh ay labi syo qurux badan, kuwaas oo ay la daba aldegayeen waalidiintood.

Saaka waxa salaadda la tukaday mas aajidka weyn ee masjid jaamaca badhtam aha Hargeysa, ku simaha madaxweynaha ah na ku xigeenka madaxweynaha C/rax maan C/laahi Ismaaciil Saylici, waxaanu dadweynaha islaamka ugu hambalyeeyey munaasibada ciida darteed.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/08/108277059_a0bbdb14-20e1-4e4d-84ce-baf38bc49a44.jpgSidoo kale, waxa uu ka hadlay dhibaatada ay leedahay qabyaaladu iyo sida aanay qaranka iyo qabyaaladi meel usoo wada gali Karin, waxaanu dadweynaha ku bara arujiyey in qabyaalada la iska fogeeyo oo qaranka lala shaqeeyo.

"nimcada aynu haysanno aanu ilaahay ugu mahadnaqno, abaarihi soo noqon no qon jirey sanadkan waa laga nastay oo barwaaqo ayeynu ku jirnaa, ilaahay sidaas ha inoogu waddo, qaranku wuxuu ku dhis maa in qabyaalad laga tago, dimuqra diy ad aynu qaadanay waxa laga soo dheeg tay uun sida diinteenu ina farayso in qof kasta oo dunida ku nooli uu xaqiisa helo, xoriyadiisa helo, naftisa iyo maalkiisa lagu xadgudbi Karin intaas yey diinteenuna ina fartay oo dimuqradiyaduna ina fartay. ”ay uu yidhi madaxweyne ku xigeenku Saylici. Mar uu dadka ka dhibaatadda qabyaalada wuxuu yidhi "Waynu faanaa oo qaran 28 sanno horumar ku jiray baynu ahayn oo markaynu aragno qaran 28 sanno burbur sana oo walaaladeen ah ayeynu isku ara gnaa inaynu horumar weyn gaadhnay, laa kiin hadii 28 sanno qabyaaladi cagaha ina hayn Shalay halka aynu joogno toban laa bkeed ayeynu joogi lahayn, hadii aynu na hay madax iyo mijiba aynu gacmaha isku qabsano halkii uu doonayey inaanu gaa dhsiino ilaahayna la kaashano himiladee na ah inaynu noqono qaran madax bana an, hadii niyadeenu wada fiican tahay wa xba inaga xumaan mayno,marka danta guud hagaagto ayey ka gaarkuna hagaa gayaa, waana doon la wada saaran yahay oo loo baahan yahay in la wada badbaad sado.

Markii salaadda laga soo baxayna waxa dadweynaha qaarkood salaan iyo bariidin ugu tagayeen guriga madaxtooyada mad axweyne ku xigeenka oo halkaasi dad weynaha ku qaabilayey.

RABSHADAHA HONG KONG OO XOOGEYSTAY

Deegaanno ka tirsan Hong Kong ayaa waxaa ka dhacayay iskudhacyo u dhaxee ya booliska iyo dibadbaxayaasha u ololeeya dimuqraadiyadda.

Degmada Wan Chai, bambo gacmeed quraarado laga sameeyay oo uu batrool ku jiro ayaa la ganay xilli boolisku ay rideen sunta dadka kaga ilmaysiisa. Dibadbax markii hore la sharciyeeyay oo ka dhacay fagaaraha Victoria ayaa waxa uu noqday mid sharciga hareer marsan kaddib markii dibadbaxayaashu ay ku fideen waddooyinka halkaas ku xeeran.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan Hong Kong ayaa sheegaya in xaaladdu ay si weyn isu badeshay kaddib markii boolisku uu degdeg ku soo farageliyay arrinta halkaas oo ay ka bilaabatay xaalad ku dhu fo oo ku dhaqaaq ah oo ay dibadbaxay aashu isticmaalayeen. Waa todobaadkii 10aad ee xiriir ah oo ay deegaankaasi ka dhacayaan dibadbaxyo dowladda loogaga soo horjeedo.

DADYOWGA ISLAAMKA OO MAALINTII LABAAD SIWEYN MAANTA U CIIDAYA

Ciid mubaarak Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 11ka Bisha Carafo San adka 1440ka, kuna beegan 12 Agoosto 2019ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan Dunida Islaamka looga dabaaldegayaa Maalinta labaad ee Ciidul Adxaa.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dun ida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciiday, iyadoo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna farax san sidii ay u ciideen maalintii Koowaad ee shalay aheyd.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya ayaa xilli hore oo Saakay ah laga maqlay Rakbiirta markale Masaajidyada ku yaalla,waxaana laga dar eemayaa farxada ciida dhamaan degmoo yinka Gobolkan Banaadir.

Shalay oo aheyd Maalinta Koowaad ee Cii dul Adxaa ayaa goobaha lagu Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga ee Magaalada Mu qdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab,miyada oo Dukashada ay kala qeyb galeen madax uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale goobaha sida weyn Maalintii labaad looga ciidayo ayaa wax aa ka mid ah, degaannada Puntland, Gal mudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jub baland iyo deegaanada Soomaaliland.

UKRAINE OO KA CAROOTAY SOCDAAL UU VLAD IMIR PUTIN KU TEGAY CRIMEA

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka qeybgalay isusoobax ay soo qaba nqaabisay kooxda garabka midige ee moo tooyinka kaas oo ka dhacayay deegaanka lagu muransan yahay ee Crimea.

Russia's President Vladimir Putin greets participants of a bike show organized by motorcycling club Dowladda Ukraine ayaa waxa ay cabasho u gudbisay dowladda Ruushka kaddib mar kii Madaxweyne Vladimir Putin uu booqd ay dhul ka la haysto ee gacanka Crimea si uu u ga qeybgalo de baaldegga moo toyinka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Uk raine ayaa booqashadii Sabtida waxa ay ku tilShalayy "mid xadgudub ula kac ah ku ah madaxbannaa nida Ukraine".

Ukraine ayaa sheegtay in iskudayyada Mo scow iyo goobjoogga warbaahinteeda ee booqashooyinka noocaas oo kale ah ay yihiin "wax laga yaqyaqsiya doodo".

Crimea ayaa waxaa Ukraine laga qabs aday 2014, taas oo ay ka dhalatay mow jado wadaniyad jaceyl ah oo Ruushka ka soo ifbaxay.

Kooxdan loo yaqaan the Night Wolves, oo ah koox ay wadaniyaddu ku dheer tah ay ee garabka midige ee mootoyahanna da ayaa aad ugu dhaw Madaxweyne Put in, waxa ay taageero weyn u hayeen in Ruushku uu Crimea qabsado.

Sanadkan waxa ay bandhigga sana dguurada ku qabsadeen magaalada Seva stopol oo ah magaalada ugu weyn gacan ka.

Mr. Putin oo yimaaday goobta ayaa u muuqday marti sharaf iyadoo ay mootoy inkana ay ku soo xoomeen hogaamiya Ruushka, kuwaasi oo rajaynayay in ay sawiro la galan madaxweynaha.

Hasse yeeshee booqashadiisa ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sare u sii kac ayso xasaradda ka taagn dalka uu hoga amiyo Mr Putin.

Ilaa iyo 60,000 oo qof ayaa isugu soo baxay waddoyinka magaala madaxda dal ka Ruushka, kuwaasi oo sida la sheegay dhigay dibedbaxyo sharci darro ah, ayaa dalbanayay in doorashoyooinka dowladda hoose ee bisha September ay noqdaan ku wo xor iyo xalaal ah.

Mudaaharaadayaasha qaarkood ayaa isku dayayay in gaaran dhismaha madxt oo yada arrintaasi oo sa babtay inay xabsi ga loo taxaabo boqolaal qof oo ka mid ah di bedbaxayaasha.

COLAADDA LIIBIYA: KOOXAHA DALKAAS KU DIRIRAYAY OO CIIDDA OGOLAADAY XABBADJOOJIN

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay soo dhaweysay xab badjoojinta ay gaar een dhinacyada ku diriraya dalkaasi ee socon doonta mud dada saddexda ca sho ah ee ay socda an dabaaldegga Ciidul Adxaa.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib weerrar lagu gaystay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Sabtidii ka dhacay magaalada Benghazi halkaas oo ay ku dhinteen saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay.Xabbadjoojinta ayaa waxaa gaaray dowladda ay Qaramada Midoobay barita arto iyo hogaamiyaha fallaagada Janaraal Khaliifa Xaftar.

Ciidammada Xaftar ayaa tan iyo bishii Abriil waxa ay weerrarayeen magaalada caasimadda ah ee Tripoli. In ka badan 1,000 qof ayaa dhimatay sida ay sheegay so Hay'adda Caafimaadka Adduunka.

Janaraal Xaftar ayaa ogolaaday xabbadjo ojinta "si muwaadiniinta Liibiya ay nabad galyo ugu dabaaldegaan maalmaha cii dda", afhayeenkiisa Axmed alMesmari ayaa sidaasi sharraxay.

Xabbadjoojinta ayaa bilaabatay 15:00 waqtiga maxalliga ah ee Sabtidii waxa ayna socon doontaa ilaa gelinka dambe ee Isni inta, afhayeenka ayaa sidaasi ku daray.

WEERAR LAGU QAADAY MISAAJID KU YAALLA NORWAY

Booliiska dalka Norway ayaa xiray nin lala xiriirinayo wee rarkii Sabtidii lagu qa ad ay Misaajid ku ya alla magaalada Oslo.

.Booliiska ayaa wax ay sheegeen in nin hubaysan uu rasaas ku furay misaajidka AlNoor Islamic Cen tre, oo ku yaalla dule edka M/ Oslo.

ayaa waxaa sidoo kale guriga ninka looga shakisan yahay weer arka laga helay mey dka haweenay,sida ay booliiska sheeg een.

Haweenaydan oo ay da'deedu tahay 20 jir islamarkana u dhalay dalka Norway sida uu sheegay ku xigeenka booliiska go obta uu falka ka dhacay.

Waxa uu intaa ku daray in ninka ay booliiska xireen imika sidoo kale uga sha kisan yahiin in uu dilay qaar ka mid ah ehe ladiisa.

"Waxaan uga shakisanahay in uu dil gaystay,qofka dhintay waxay ehel yihiin ninkii aan hory u xirnay ," ayuu yiri.

Booliiska Norway ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ninka weerarka ku qaad ay Misaajidka uu kaligii ku ahaa weerar kan.

Agaasimaha Misaajidka la weeraray ay aa u sheegay saxaafadda maxaliga ah in halka qof ee weerarka ku dhaawacmay uu yahay nin 75 jira ah oo ka mid ahaa jam aacada Misaajidka.

"Mid ka mid ah jameecadeena ayaa wa xaa toogtay nin caddaan ah oo xiran koof iyaad iyo dariis," waxaa sidaasi u sheegay wargayska Budstikka Mr Irfan Mushtaq.

Ninka weerarka gaystay ayaa markii uu misaajidka galay waxaa ka awood batay dadkii ku tukanayay misaajidka ka hor inta aysan booliiska soo gaarin goobta,ayuu

intaa ku daray Mr Mushtaq.

RA’ISULWASAARE KHEYRE OO BOQOLAAL SHACAB AH KULA DUKADAY MASAAJIDKA ISBAHAYSIGA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/FB_IMG_1565504749925-2-720x430.jpgRa’iisulWasaaraha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa boqolaal shacab ah waxa uu kula dukaday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa dadka Salaadda Ciidda kula dukaday Shacabka Masaajidka Isbahaysiga Islaamka.

Boqolaal shacab ah ayaa ku dukaday Masaajidka xili ay Shalay ku beegantahah maalinta koowaad ee Ciiddhladxa oo ay u dabaal degayaan muslimiinta caalamka oo shan.

DIRIDHABE OO SI WAYN LOOGA CIIDAY SHALAY

https://www.hiiraan.com/images/gallery/2019/aug/2019811637011065028705552kowkow.jpg Ismaamulka Magaalada Diridhabe ay aa Shalay si wayn looga xusay Ciiddii, iya doo dad aad u badan ay isugu soo baxeen salaaddii Ciidda ee Shalay, dadkan oo ka kala yimid dhammaan xaafadaha magaala da ayaa isugu jiray yar iyo waynba, waxa anad is dhahaysaa markaad dadka badni diisa aragto malaha qofba xaafadaha lagagama iman.

Salaadda Ciidda oo loogu talagalay me el barxad wayn ah ayaa inta badan dadku markay meeshaasi la buuxiyo waxay ku tukadaan goobaha u dhaw oo ilaa laamida gaaraysa.

Ciidba ciidda ku xigta ayay dadka sal aadda Ciidda imaanayaani kasii badan yih iin. iyadoo taasi ugu wacan tahay nabad galyada buuxda ee magaaladda Diridhabe ka jirta.

BANDOW GAADIIDKA AH OO KA DHAQAN GALAY BOOSAASO

Taliska Booliska Gobolka Bari Puntland ayaa amar bandow ah kusoo rogay Gaa diidka noocyadiisa kala duwan ee ka how lgalla Gudaha Magaladaas.

Bandowga oo bilaabanayay Caawa 12:00 Habeenimo kuna eg Shalay 10:00 Suba xnimo ayaa ka dhaqan galay Magal ada, waxaana Gaadiidleyda lagu amray inay san socon karin inta u dhaxeysa waqti yada loo qabtay.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa ku sheegay sababta ay Gaadiidka Bandowga ugu soo rogeen sugida dhina ca Amniga,isla markaana la filayo inay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa wa xaa uu intaasi ku daray in la joojiyay in Sal aada Ciida Shalay lagu dukado Garoon ka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray, isaga oo sheegay in Goobo kale loo diyaar iyay Dadweynaha.

Si kastaba Amarkaan kasoo baxay talis ka Booliska Gibolka Bari ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay falal amni darro ka dhacayeen Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

BAARLAMAANKA SOMALIYA OO QAADAYA TALLAABO KA DHAN AH CIIDAMADA KENYA

Dhawaan Xubno ka tirsan Baarlamaan ka Kenya ayaa baarlamaanka dalkaas wa xaa ay u gudbiyeen mooshin ay ku dalba nayaan in Ciidamo la geeyo Dhu Baddeed ka Soomaaliya oo ay Kenya muranka ge lisay,waxaana tallaabadaas ka jawaabay Xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacb ka ayaa sheegay in Kenya derisminada Soomaaliya kala dhaxeysa ay wax badan xeerisay,hayeeshee Kenya ay horseedo in dhibaatada Soomaaliya heysato inay uga faa’iideysato aysan jirin wax uga daran.

"Horay ayaa loogu maah maahay Nin degan Guri muraayad lehoow dhagax tuu ryo ha bilaabin,laakin waxaan leeyahay Ke nya hadaad iskudaydo in aad ka faa’iidey sato Nabad la’aanta heysata dadka Soom aaliya ayna kuu gacan haatinayaan dad aan waxba kuu teri doonin ayuu yiri Xil dhibaan Dalxa.

Sidoo kale Xildhibaanka oo Wareysi sii nayay Tvga Somali Cable ayaa waxaa uu sheegay in hadii Baarlamaanka Kenya ay anisixiyaan mooshinka la horgeeyay ee ku saabsan in ciidamo la geeyo Badda Soo omaaliya oo ay Kenya muranka gelisay ay iyana Baarlamaanka Soomaaliya anisixin doonaan mooshin dalka looga saarayo Ciidamada Kenya.

Dhinaca kale xildhibaan Cali Jowhar oo ka mid ah Golaha Shacbaka ayaa dhanki isa waxaa uu sheegay in Xildhibaan Aad an barre Ducaale oo ah hoggaamiy aha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya uu ya hay Shaqsiga Baarlamaanka dalkaas u gu dbiyay mooshinka,isla markaana uu ka le eyahay dano siyaasadeed oo u gaar ah.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in hadiiba dowladda Kenya ay ku dhawaaq day tallaabo Millateri aysan ka dhaxeynin wax xiriir ah,waxaana uu sheegay in qo rshaha uu wado Baarlamaanka Kenya aysan u socon doonin dadka soomaaliyeedna ay midoobi doonaan.

DOWLADDA YEMEN OO LAGALA WAREEGAY MAGAALADA CADAN

. Kooxaha gooni u goosadka ayaa la wareegay magaala xeebeedka Cadan ka dib maalmo ay dagaal ku la jireen ciidamo daa cad u ah dowladda Yem en ee uu caalamku aqoon san yahay.

Xoogagan ree koonfureedka ee ay taageerto dowlada Imaaraadka ayaa wax ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen sal dhigyo militari iyo aqalka madaxtooyada.

Dowladda Yemen ayaa arrinkan ku til maamtay "afgembi".

La wareegida ay kooxahani gooni u go osadka la wareegeen cadan ayaa waxay wiiqaysaa awoodii isbahaysiga ay Sacuudi ga hogaamiyaan.

Dhanka kale xulufada ay Sacuudiag hogaamiyaan ayaa waxay sheegeen inay dagaalka Cadan ay soo faragaliyeen isla markana ay tallaabo militari qaadeen. Saraakiisha Sacuudiga ayaa waxay shee geen in duqaymo dhanka cirka ah ay ku qaadeen saldhigyada ay qabsadeen koox ahan goni u goosadka ah.Kooxda gooni u goosadka ayaa waxay doonayaan in mad axbanaani la siiyo Koonfurta Yemen.

Dhanka kale shacabka ku nool magaa lada Cadan ayaa ka cabanaya biya la'aan iyo cunna yari soo food saartay. Dadka qa ar ayaa waxay sheegayaan iney ku qas banaadeen iney biya ka cabaan mara waaxaadaha hawada dhaliya biyaha ka dhibca.

Magaalada Koonfureed ee cadan ayaa caasimad ku meel gaar ah u ah dowladda Yemen, iyada oo ammaanka magaalada uu yahay mid liita.

Dagaallada sanadaha badan ka taagan dalka Yemen ayaa sababay iney xaaladda dalka Yemen ay wax weyniska beddelin.

Inkasta oo raja wanaagsan laga muujiyey heshiisyada ka dhex billaawday xoogagga dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO HAMBALYO U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED

farmaajo oo salaadda ciiddul adxaa kula dukaday majidka madaxtooyadaMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan ciidda waxa uu u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxaa uu eebbe uga baryay Muslimiinta taagan Banka Carrafo in rabbi ka aqbalo ruknigaas islaamiga ah waxaana shacabka uu sheegay in uu la wadaagayo farxadda maalmaha ciiduladxa.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaa day howlgalada ciidamada dowladdu ay ka wadaan gobolada dalka gaar ahaana gobolka Sh/hoose oo deegaano muhiim ah ay ciidamadu kala wareegeen Alshaba ab.

MADAXWEYNE WAARE OO MUNAASABADDA CIIDUL ADXAA AWGEED HAMBALYO U DIRAY SHACABKA KU DHAQAN DEEGAANNADA HIRSHABEELLE

https://hiiraan.com/images/2019/Aug/2019811637010869431278616large.pngWar qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ma daxtooyada Hirshab elle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Hir sha beelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabe elle loogu hambal yeeyay munaasabada Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maal maha farxadeed awgeed loo baahan yah ay in ay is cafiyaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya.

‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanad kaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo nab adgelyo, Horumar, Wadajir,Midnimo iyo in aan ka shaqeyno midnimadeena iyo hor umarkeena‘’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

‘ ’Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horuma rto, in Hirshabeelle meesha ay hada joo gto sanandka dambe meel ka fiican ay ga arto dhanka horumarka iyo nabadgelyada ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxwey ne Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada marar ka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.

‘’Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqe eyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cil imo udiinka, madax dhaqameedka, ganac satada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaa yeen Horumarinta dowladnimada’’ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare Waxaa uu hambalyada Ciida Carrafo u dir ay guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwa Hirshabeelle, iyo ciidamada AMISOM ka howlgala Hirshabe elle gaar ahaan ciidamada Hiil Walaal ee Jibuuti iyo shacbiga walaalaha Jabuuti, isa goo u rajeeyay caafimaad qab

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHACAB BADAN KULA DUKADAY FAGAARO KU YAALLA GAROOWE

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/10.jpg Madaxweynaha Maamulka Siciid C/hi Deni ayaa shacabka Magaalada Garoowe kula dukadaySalaadda Ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubad da Cagta Mire Awaare. Madax we yne Kuxigeenka Punt land Md. Axmed Cilmi Cismaan Kara ash ayaa sidoo kale la oogey salaad da ciidda.

Garoonka Mire Awaare ayaa waxaa ku dukaday Salaadda Ciidda boqolaal sha cabka reer Puntland ah oo iskaga kala yimid xaafadaha ka la duwan ee M/Gar oowe ee Caasimadda maa mulkaas.

Madaxweynaha ma amulka Puntland ayaa sheegay in uu ha mbalyo u dirayo dhamm aan ummadda Mu slimiinta ah meel kasta oo ay adduunka ka joogan gaar ahaan Shacabka Soomaaliy eed, kuwa reer Pu ntland waxaan ugu ha mbalyaynayaa mun aasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta

WASIIR SADIIQ WARFAA OO BOQOLLAAL DAD WEYNE AH KULA TUKADAY SALAADDA CIIDDA CARAFO DEGMADA GALDOGOB EE GOBOLKA MUDUG

https://www.hiiraan.com/images/gallery/2019/aug/20198116370110886444290149bcd3101-1695-4672-aafe-922e62c3ce58.jpg Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arr imaha Bulshada XFS,Md. Xildh. Sadiiq Xir si Warfa ayaa maa nta boqollaal dadw eyne ah salaadda Ci ida Carafo kula dukaday degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Wasiir Warfaa , ayaa dhammaan shac abka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasab adda Ciidda Carafo,wuxuuna bulshada de gmada Galdogob iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir ah in looga shaqeeyo sidii uu dal ka usoo kaban lahaa.

"Waxaan go'aansaday inan fasaxa Ci idda uga faa'iideysto inan waqti la soo qa ato dadka iyo deegaanka aan ku matalo dowladda dhexe ee gobolka Mudug, wax aan aad idin kugu boorrinaya midnimo iyo wadajir..

waxaan doonaya inan ugu baaqo qof walba doorka uu leeyahay inuu ka qaato dadaalka dib loogu dhisayo dalkeenna." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka ayaa ummadda Soomaaliy eed u rajeeyay inay sannadkan sannadki isa ku gaaraan horumar, wuxuuna inta ka dib socod lug ah ku maray qaybo ka mid ah degmada Galdogob, isagoo marka bo oqday goobaha nasashada iyo dalxiiska loo tago ee degmada, halkaa oo uu had allada dhiirrigalin iyo marxabeyn ah kula wadaagay qaybaha bulshada ee degmada oo dhallinyarada ay ugu horreeyaan.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO EEDEYN U JEEDIYAY DOWLADDA SOMALIA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/FB_IMG_1565518327158.jpgMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubb aland Md. Axmed Maxa med Islaam ayaa Shalay Masuuliyiin iyo dadwey ne kala du wan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbal and.

Madaxweynaha ayaa Dhamaan shac abka Soo maaliyeed ugu hambalyeeyay munaasaba dan weyn isagoo u rajeeyay in ay is caf iyaan oo gacmaha ay is qabs adaan.

Md.Axmed Maxamed Islaam Madaxweyna ha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shacabka ree Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nab adgalyada kala shaqeeyaan hay”adaha ammaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban ya hay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

DF ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay Waddo uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaa lada uga sii daraysa isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

DILA AGII JACAYLKA ADEEGSADAY EE MOODA YAY 'INAAN LOOGA DABA TAGI DOONIN'

Ben Field waa eedeysane wajahaya xukun xabsi daa'in ah, ka asoo uu ku muteysanayo fal dil ah oo loo maxkamadeynayo, bal se wuxuu dilaagan aaminsanaa inuu baxsan doono.

.Is agoo fadhiya qeybta dambe ee gaariga booliska ayuu yiri: "Wa xay ila tahay inaan ka baxsan doono inta badan dambiyada la ii heysto". Ninkan wuxuu sasabtay labo qof oo daris ah isla mark aana kaligood ah, isagoo midkood dilay, kan kalena si sharci dar ro ah lacag uga qaatay.

Field oo hadda 28 jir ah ayaa markiisii hore lagu yaqaannay in uu ahaa qof naxariis badan oo diinta masiixiga ku fiican, wuxuu na aabihiis kala shaqeyn jiray kaniisadda. Laakiin markii dambe wuxu guda galay qorshe khiyaano ah oo uu ku raadinayay han ti.

Mark Glover, oo hoggaaminayay baaritaanadii ay booliska ku sameeyeen eedeysanahan ayaa sheegay in markii hore uu ahaa nin xun, xitaa haddii uu wanaag muujin jiray. Mr Field oo kasoo je eda magaalada Olney ee dalka Ingiriiska ayaa lagu helay fal da mbiyeed dil ah iyo dhachanti, ka dib markii uu dhageysiga dac waddiisa socday 10 isbuuc.

Booliska ayaa ku qeexay inuu yahay "Nin sheydaan ah oo khiy aano badan".

SIDA UU JACAYLKA UGU ADEEGSADAY DHIBANEYAASHA

Maxkamadda kiiska gacanta ku heysay ayaa loo sheegay in ninkan uu bartilmaameed ka dhigtay 2 qof oo kala daggan guryo dhowr tallaabo isu jira, oo ku yaalla xaafadda Maids Moreton ee ka tirsan ismaamulka Buckinghamshire.

Mid ka mid ah dadkaas wuxuu ahaa Peter Farquhar, oo 69 jir ah, wuxuuna wax ka dhigi jiray jaamacadda Buckingham, halkaa soo uu Field ka baran jiray luuqadda Ingiriiska.

Qofka kalena waa Ann MooreMartin, oo 83 jir ahayd, horayna u ahayd macallimad howlgab noqotay.

Labada qofba waxay ahaayeen dad diinta dhankeeda u janj eera, iskaabulo ah, wax carruur ahna aan dhalin.

Wuxuu rabay inay dhaxalkooda ku qoraan markii uu jacayl badan ku abuuro. Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay inuu Field labadoodaba saaxiib la noqday, uuna u muujiyay jacayl faro badan.

Waxay gaareen heer ay wehel ka dhigtaan, farxad aad u ban danna ka helaan.

Laakiin ujeeddadiisa dhabta ah waxay ahayd inuu hantidooda gacanta ku dhigo, dhowr sano ayuuna howshan waday.

Si uu Field u dhaxlo hantida badan ee uu lahaa Farquhar, waa inuu marka hore dhinto odaygu.

Haddii uu damco inuu dilana, waa inuu u ekeysiiyo shil ama qof isagu isdilay.

Sidaas awgeed, wuxuu mar walba raashinka iyo shaaha ugu dari jiray daroogooyin, kuwaasoo Mr Farquhar, ka dhigi jiray qof aad u daallan oo isku dhex yaacsan. Ka hor inta uusan dhimanin ayuu saaxiibbadiis u sheegay inuu dhibaato badan mari jiray hab eenkii, isagoo hurdana uu socon jiray. Balse Field wuxuu diyaariyay wax uu ku tilmaamo xaaladda Mr Farquhar. Wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu odaygu muddo xa nuunsanaa, uuna khamriga u cabi jiray si xad dhaaf ah.

Intii ay maxkamaddu socotay, Field wuxuu garsooreyaasha hortooda ka qirtay inuu daroogo halis ah siin jiray odayga, maada ama uu habeen walba saqda dhexe soo kici jiray, hurdadana uu ka qasi jiray.

Ninkan ayaa labada dhibane u adeegsan jiray farsamooyin uu maskaxdooda ku qasayo, si ay xasuustooda u lunto. Mararka qaar wuxuu qolalka ka saari jiray alaabta, markii ay ka waayaanna dib ayuu ugu soo celin jiray, isagoo u sheegaya in ay horayba usii yaalleen.

Bishii Ockotoober ee sanadkii 2015kii ayuu geeriyooday Mr Farquhar.

Meydkiisa waxaa arkay qof guriga hagaajinayay, waxaana dhiniciisa taallay dhalo khamri ah oo haaf ah.

Intii uusan dhimanin ka hor ayuu baddalay dardaarankii dhaxa lkiisa, wuxuuna Field ku qoray gurigiisa iyo hantidiisa kaleba.

Dhinaca kale, Mr Farquhar wuxuu isbaray Field iyo Miss Moo reMartin. Laakiin Field isla sidii oo kale ayuu ula dhaqmi jiray haweeneydaas, ka dib markii uu qalbigeeda ku hantay jacayl.

Inkastoo ay da'dooda u dhaxeysay 57 sano, haddana waxaa la sheegay inay xiriir dhinaca gogosha ah isla wadaageen.

Mar walba oo uu lacag u baahdo, wuxuu u sheegi jiray been, wuxuuna ku khasbi jiray inay bangiga wacdo, una fasaxdo lacagta.

Mar waxay ku wareejisay £4,400, mar kalena waxay siisay in ka badan £27,000.

Ugu dambeyn wuxuu ku guuleystay inay baddasho dardaaran ka dhaxalkeeda.

Sanadkii 2017kii, Miss MooreMartin way xanuunsatay, waxa yna isbitaalka dhexdiisa gabar ay habaryar u tahay ugu sheegtay nooca uu ahaa xiriirka ka dhaxeeyay iyada iyo Field.

Waxaa dhashay shaki, isla markiina booliska ayaa baaritaan billaabay.

AnneMarie Blake ayaa maxkamadda u sheegtay in habaryart eed intii aysan dhimanin ka hor ay ogaatay sida uu u khiyaanay Field, ayna baddashay dardaaranka dhaxalkeeda, si ay hantide eda dib ugu celiso qoyskeeda

20 RUUX OO KU DHIMATAY DUUFAAN KU DHUFATAY SHIINAHA

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobn eeyo kalana waa la la’yahay, ka dib marki ay duufaanta Lek ima Shalay billowday in ay garaacdo bariga Shiinaha.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/08/5A0B8C67-8A6F-4336-9202-5490B09420C2_cx0_cy4_cw0_w1023_r1_s-696x391.jpgTVga Dowlada Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay, in dhamaan dadka dhintay ay ku noolaayeen gobolka Wenzhou oo ah halka ay duu faanta ka billaabatay.

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warr antay, in aag ga ay duuf aanta ku dagatay laga daadgureeyay ilaa iyo hal milyan oo qof.

Boqllaal duulimaad ayaa la joojiyay, taree nnad iyo goobaha dalx iiskana waa la xiray sababo la xiriira hawada aadka u xun ee bar iga Shiinaga.

Lekima ayaa ku socoto xawaare dhan 187 km saacaddiiba, wa xaana la filayaa in ay u sii jiheysato dhinaca gobolka Shanghai,

marka ay dhaafto gobolka Wenzhou

CIIDAMADA DOWLADDA OO HOWLGAL QORSHEYSAN KA FULIYEY DULEEDKA AWDHEEGLE

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaanin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Shaaam oo duleedka ka ah degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle howlgalka ay ka fuliyeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen AlShabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaha Ciidammada Dhulka Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas looga gol leeyahay sidii AlShabaab looga saari lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip