HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGWEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA AGOOSTO 2019-KA

0
Thursday August 01, 2019 - 09:35:20 in Wararka by
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGWEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA AGOOSTO 2019-KA

    GUDDIGA QABAN-QAABADA DIB U HESHII SIINTA GALMUDUG OO BAAQ U DIRAY SIYAASIYIIN Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmaha an socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa dib ugu soo laabtay mag aalada dhuusamareeb ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDIGA QABAN-QAABADA DIB U HESHII SIINTA GALMUDUG OO BAAQ U DIRAY SIYAASIYIIN Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmaha an socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa dib ugu soo laabtay mag aalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr.Cabdiraxmaan Cab dullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameey een bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dh ammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaas adeyn gogosha, beelununaay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuu samareeb, halkaasna ay ku soo bandhi gaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. Guddiga qaban-qaabada shir-weyna ha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kula mo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaat ay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Ca abuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusa mareeb ka furmayo August 05/2019.

WAQOOYIGA KUURYA OO MAR KALE TIJAAB ISAY GANTAALO CUSUB

 

Milliteriga dalkaasi waxay Aroornimadii hore ee Shalay tijaab iyeen 2 Gantaal cu sub ee nooca ridada gaaban, waana ti jaabadii 2-aad ee ay sam eeyaan wax ka yar hal isbuuc.

Gantaalladda ay Shalay tijaabiyeen ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 250 KM, waxayna ku dhaceen Bad da Bariga ee loo yaqaano Badda Japan.

Saraakiisha Milliteriga ee dalka kale ee Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inay La bada Gantaal u muuqdeen kuwo ka duw an noocyadii Gantaalladda ee ay Milli teriga Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen Kha miistii la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe waxa uu tilmaamay inaysan Gantaalada asi wax khatar ah ku ahayn Ammaanka dalkiisa, balse, Wasiirkiisa Difaaca ayaa sheegay in Gantaal kasta oo ay Waqooy iga Kuurya tijaabiyaan uu xadgudub ku ya hay Go’aanadii ka soo baxay QM.

Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ku sugan dalka Koonfurta Kuurya, Kolonel Lii Peters waxa uu isagana sheegay inay ka war hayaan Tijaabadda Gantaallada Waq ooyiga Kuurya, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan xaalladdaasi.

WASIIR OOMAAR OO KA HADLAY SABABTA UU U TAGI WAAYAY MAGAALADA KISMAAYO

Wasiirka Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed Cab dullaahi Salaad [Ooma ar] ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga baaqday safar uu qorshuhu ahaa inuu ku tago magaa lada Kismaayo toddobaadkan.

Wuxuu sheegay inuu uga baaqday sababo dhinaca Ammaanka, isaga oo ka baqayay sida uu hadalka u dhigay in tagg istiisa Kismaayo ay sababto iska horima ad. "Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hor imaad u dhaco, Qof isku dayay inuu i soo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan la is ilaalsho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin ilaah ka sokow”ayuu yiri Oom aar qoraal uu soo dhiggay bartiisa Facebook.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay "Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canug eeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku im aado ma weyn.

Waan aqaan masuuliyadda i saaran, Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubb aland Kama dhici doono Caqliga ha shaq eeyo”ayuu yiri.

Magaalada Kismaayo waxaa lagu qab tay munaasabad kooban oo looga dhawaa qay musharaxnimada Wasiirka, balse ka ma uusan qeybgalin Wasiirk Oomaar munaasabadaas.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan qoraal ka soo baxay waxaa deegaannada maamulka uu ka arimiyo looga mamnuu cay in uu tago shaqsi ama mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_A801CC-082E1A-BB6423-8759CB-97F0A9-C4B17E.jpg

MUHAAJIRIIN ETHIOPIAN OO MACLUUL UGU GEERIYOOTAY DOONI KU SII JEEDAY YEMEN

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/07/tahriibayaal-ethiopian-4.jpg Ugu yaraan 15 Itoobiyaan ayaa ku geer iyootay dooni ay ku tahriibayeen oo ku cil ladowday Badda, taasi oo keentay inay muddo isbuuc ah helin biyo iyo baad ay cunaan.Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM waxay ka soo xigatay dadkii ka badb aaday doonifaasi inay sheegeen in qaar ka mid ah u geeriyooday baahi iyo biyo la’aan, halka kuwo kalen ay ku hafteen badda.

Qoraal ay Hay’adda IOM soo dhigtay Twitter-kooda waxaa lagu xusay inay Muhaajiriinta Itoobiyaan oo doonida ka ra acay Xeebaha Jabuuti, kuna sii jeeday Yemen inay doonidii ay ku tahriibayeen ba dda ku jabtay, taasina ay keentay inay qaa rkooda u geeriyoodaan macluul.

Tiro ka mid ah Muhaajiriinta oo gaaray Xeebaha Yemen ayaa iyagana geeriyood ay, kadib, markii ay heli waayeen Kaalmo Daaweyn Caafimaad.

Doonidaasi oo ay asal ahaan la socde en 90 Muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa wa xay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay gaareen Dekedda Magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen, sida ay Hay’adda IOM sheegtay.

Ma kala cadda xaalladda ay ku sugan yihiin kuwii ka badbaaday dhacdadaasi. Bishii May ee la soo dhaafay, Hay’adda IOM waxay ku baaqday in la sii daayo in ka badan 3,000 oo Muhaajiriin badanko oda Itoobiyaan ahaa, kuwaasi oo lagu ha yey Labo Xarun oo ku kala yaallay mag aalooyinka Cadan iyo Gobalka Lahaj ee dalka Yemen.

FAAH FAAHIN:-NABADOON HABEEN HORE LAGU DILAY MAGAALADA KISMAAYO

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/07/FB_IMG_1564595723547.jpgWararka aan Habeen hore ka heleyno Ma gaalada Kismaayo ee Ca asimadda KMG u ah dow lad Goboleedka Jub bal and ayaa waxaa shee ga yaan in halkaas lagu dha awacay mid kamid ah Nabadoonada deegaan ka iyadoo ka dibna wararku sheegayaan inuu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray ka dib markii cisnitaalka loo qaaday dhakaatiirtana ay la tacaleen hase yeeshee uu nabadoonka ku geeriyooday cisbitaalka .

Kooxo hubeysan ayaa Nabadoonka dhaawacay xili uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Kismaayo oo uu kusoo tukaday Salaadii Maqrib.

Nabadoonka falkaas loo geystay ayaa waxaa lagu magacaabaa Rashiid Dhure Ibraahim,isla markaana falkaasoo ka dha cay Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku dara yaan in ragii dhaawacay Rashiid Dhure goobta si deg deg ugu baxsadeen luuq yar oo xiligaas goobta ka Agdhawaa sida ay sheegeen goob joogayaal.Ciidanka amni gaM.Jubbaland ayaa howlgal ka sameyen


SOMALIA OO HESHIIS CUSUB LA SAXIIX ATAY URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_7C884D-464829-ED065E-F35BFA-22F0EE-816D1E.jpg&h=210&w=210 Soomaaliya ayaa Dorraad kula saxiix atay Muqdisho he shiis Ururka Iskaashi ga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Go boleedka Ururka Iska ashiga Islaamka ku yee lanayo Soom aal iya, kaasi oo ka dhiga ya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha ban i’aadannimada ergo goboleed dham mayst iran oo ku suntan howlaha siyaas adda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinac yada siyaasadda iyo bani’aadannimada ay aa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghay aha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Diba dda iyo Iskaashiga Caalamiga, Md. Dan jire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arr imaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaa liyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaa shiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadann imada, Dhaqanka iyo Bulshada.

MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO XARIGA KA JARAY DHISMO CUSUB

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa med Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Gobolee dka KG, taasi oo Laga hirgeliyey Magaala da Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xarig jarka Xarunta Cusub waxaa Mada xweynaha ku wehlinayey Wasiirka wasar adda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Marwo Fowsiyo Maxamed Shekh wasiirka Tamarta iyo kheyradka biyaha Do wlad Goboleedka Koonfur Galbeed Iiman Cali Cabdi Madaxa hay”adda IOM Somal iya miss Diana iyo Masuuliyiin kale.

Md Lafta Gareen ayaa Kormeerey qey baha ay ka koobantahay Xaruntan Cusub waxaana uu Sheegey In tani ay tahay mid muujinaysa Hiigsiga Hormarineed ee ka ifaya koonfur galbeed.

Miss Diana Madaxa Hay”adda IOM Soma liya ayaa ka hadashay munaasabad koo ban oo ay ka dhacday Gudaha Xarunta waxay Sheegtay in kan Hay”ad ahaan ay ka go’antahay inay wax ka qabtaan xaalad aha ka jira Koonfur Galbeed waxaana ay sheegtay in Qorshihii hore Shaqada ay wax ka bedelayaan si kaalin weyn ay uga geystaan Deeganada KG.

Marwo Fowziya Maxamed Sheeq Wasi irka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in kan Wasaa rad ahaan ay ku tala jiraan sidii Baahiyaha korontada iyo biyaha ee ka jira KG ay wax uga qaban lahaayeen.

Md.afta gareen ayaa u mahadceliyey Cid waliba oo kaalin ka geysatay Dhisida Xaruntaan Cusub waxaana uu sheegey Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka bi yaha inay Tahay wasaaradaha ugu muhi imsan Bulshada Waxana uu sheegey in inta aan loo dooran Xilka Madaxweynen imo uu Ahaa wasiirka Tamarta iyo khey raadka biyaha Dowlada federaalka soma liya uuuna halkan keenay mashaariic farabadan.

SACUUDIGA OO BOQOLAAL MALAAYIIN OO DOLLAR SIIYEY SUUDAAN

Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawa aqday inay lacag kaalmo ah oo dhan 250 million oo Dollar dhigtay Bandhiga Dhexe ee dalka Suudaan, si wax looga qabto Qal alaasaha ka taagan dalkaasi. Hadal-qora al oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyad da ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Ball anqaadkaasi Dhaqaale qeyb ka yahay Xir mooyinka Lacageed ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku dhawaaqeen bishii April in ay Suudaan siin doonaan lacag dhan 500 oo million oo Dollar.

2daa Dowladood waxay xilligaasi ball anqaadeen lacag guud ahaan dhamayd 3 Billion oo Dollar, iyadoo inta ka hartay Lac agtaasi lagu bixin doono Shidaal, Qamadi iyo Daawooyin la siiyo dadka Reer Suud aan ee weli bartanka kaga jira Xiisadda Siyaasadeed.

Yaboohaasi waxa uu xal u noqon doo naa Qiimaha Lacagta Giniga ee Suudaan ee hoos u dhacday iyo sidii loo abuuri la haa deganaanshaha dhanka qiimaha Sarifka Lacagaha ee dalkaasi.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta, Anwar Garqa ash waxa uu horey u sheegay in Xirmoo yin ka Lacagta ee ay Sacuudiga iyo Imaar aadka sida wadajir u siinayaan Suudaan inay tahay dalkaasi oo u baahan taageero, kadib, 30-sanno oo Talis Milliteri oo Keli-talis ah soo maamuli jirey.

Waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka Carabka jeceshay inay caawiyaan dalka suudaan oo uu xusay inuu yahay dal mu hiim ah Dowladaha Carbeed, xilliga Kala-guurka ee ay ku jiraan Bishii December ee sannadkii hore, Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horj eeday Madaxweynihii Suudaan, Cumar Xa san Albashiir ayaa ka dhacay dalkaasi, iya doo ay dadweynuhu ka cabanayeen qiima ha Rootiga iyo Shidaalka oo sare u kacay.

Wuxuuna Dibadbaxaasi horseeday in Mad axweyne Albashiir xilka kala tuuro bilowgii bishii April ee la soo dhaafay, isla markaa na isaga loo taxaabay Xabsiga.

Balse, Rabshadaha ka socda Suuda an ayaa weli sii socda, waxaana laga war sugayaa Awood-qeybsiga Maamulka ee ay Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahays iga Mucaaradka ku doonayaan inay ku yegleelaan Dowlad loo dhan yahay.

WASIIR CAWAD OO LA KULMAY SAFIIRKA KENYA EE SOOMAALIYA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_FCEB12-B9C522-61394B-2A1280-D43F2E-044462.jpg&h=210&w=210 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Shalay Muq disho Safiirka Jamhu uriyadda Ken ya u qaabilsan Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wada agga labada dal ee saaxiibada ah u dhex eeya si loo adkeeyo qotodheerida xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada bad an leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.

MUWAADIN U DHASHAY UK OO LASOO TAAG AY MAXKAMAD KU TAALLA MUQDISHO

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Shalay lasoo taagay Muwaadin u dhashay dalka Ingiriis ka oo ku xirnaa M/ Muqdisho tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2019 ka dib markii ay gacanta ku dhigeen Hay’addaha Ammaan ka dowlad da Soomaaliya.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa kusoo eedeeyay Andrew Braian Irlam in uu carqa ladeeyay nabad-gelyadda dadweyn aha iyo in uusan ku wargelin laamaha amn iga walxo qarxa uu ku watay boorso xili ka duulayay madaarka Aadan Cadde.

Andrew Braian Irlam ayaa Shalay ka soo hor Muuqday Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana la dhageystay eeda loo heysto eedeysanaha, iyadoo wali Maxka madda aysan ku dhawaaqin xukunka lagu riday. Ninkaan aysan suurtagalin Maxka mad lasoo taaggo dhowr jeer, waxaana la she egay in Hay’addaha Ammaanka dowl adda Soomaaliya ay ku wadeen Baari taano kala duwan.

AL-SHABAAB OO WEERARAY SALDHIG CIIDAN KA KENYA KU LEEYIHIIN GOBOLKA GEDO

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_235C75-45E9E4-D7ED89-A1A190-640EB6-02E986.jpg&h=210&w=210 Wararkaaan ka heleyno Gobolka Ge do ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal yahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaad een Saldhig Ciidamada ku lah aayeen duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobo lkaas.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday Madaafiic cul us,waxaana qaar kamid ah Madaafiicda ay ku dhaceen gudaha Saldhiga Ciidama da Kenya ay ku lahaayeen duleedka De gmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku dara yaan in weerarka Madaafiicda ahaa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Al-shabaab ay warar ku qoreen barah ooda Internet-ka waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Sal dhiga Ciidanka Kenya,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Ke nya oo ay uga hadlayaan weerarkaas.

WASIIRO MUSLIMIIN OO HOREY ISKU CASIL AY OO DIB U SOO LAABTAY

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_D7F0A9-F4AF98-AB1EF5-F1BAE6-C7E78E-B79481.jpg&h=210&w=210 Afar Wasiir Muslimiin ah oo xilka iska casilay dhowr bilood ka hor ayaa la shee gay inay dib ugu soo laabteen Xilalkii ay ka haye en Dowladda Sri Lanka.

Wasiiradaasi waxaa horey loogu tuhunsa naa inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay in ka badan 250-qof oo ku sugnaa Kaniisado ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kolombo, bale, Baaritaano kadib, wax aa la ogaaday inay Wasiiradaasi ku lug lahayn dhacdadaasi.

Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Wasiirad aasi Habeen hore la kulmeen Madaxweyne Mai thripala Sirisena, isla markaana la isku racaay inay dib u hawl galaan.

4-ta Wasiir ee dib ugu soo laabtay Xila kooda oo ka mid ahaa 9 Wasiir oo bishii hore iska casilay xilalkooda, waxayna ka caroodeen, kdaib, markii Wasiirkii Wersh adaha iyo Gnaacsiga, Rashiid Bathidiin la gu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerar kaasi, inkastoo uu isagu beeniyey arrin taasi.

Weerarkii qaraxyadda lahaa ee ka dha cay dalkaasi waxaa sheegatay Kooxda Jamaacatul- Towxiid oo xiriir la leh Malee shiyadda Daacishta ku sugan Koonfurta Qaaradda Asia.

WARARKII UGU DAMBEEYAY XAALADDA CAA FIMAAD EE GUDDOOMIYE YARIISOW

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_E608F5-48FDC6-9049C3-85ADB9-8676E6-F3A793.jpg&h=210&w=210 Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caa fimaad ee Guddoomiyaha gobalka Bana adir Md. C/raxmaan Cumar Cismaan (Injin eer Yariisow) oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla M/Dooxa ee Caasimadda dalka Qat ar, sida ay Warbaahinta Dowladda u she egtay wasiirka Wasaardda Dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Qadar

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa she egtay in Xaaladda Caafimaad dad uu ku jiro Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Yariisow ka soo roonaaneyso sidii hore oo ah markii laga soo qaadayay M/ Muqdi sho, waxayna dhaqaatiirta ku amShalayy daryeelka joogtada ah ay siinayaan dadka dhaawaca ah oo uu guddoomiyaha ku jiro.

Sidoo kale Danjiraya Dowladda Soom aaliya u fadhiya wadanka Qadar ayaa asa na dhankiisa sheegay in dhaawacyadaan lagu bixinayo dadaalkii ugu badnaa, haata na la dareemayo isbadal wayn.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ku dhaawacm ay qarax 7baadkii hore ka dhacay Xarunta Ma amulka Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaa wac

Maalgelintii Ciidanka Kenya Ee Somalia Oo Kala-Bar La Dhimay

28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe iyo Saaxiibado oda ayaa la sheegay inay jareen Dhaqaa lihii ay ku bixin jireen Mushaaraadka Cii ddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka aMISOM.

Tiro-koobkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu muujinayaa in la dhimay Kala-bar La cagihii Mushaaraadka ee la siin jirey Ci iddankaasi ee Sannad-maaliyadeedka oo dhamaaday bishii June ee sannadkan 2019-ka.

Lacagaha caddaanka ee Hawlgalka AMISOM loo soo gudbiyey xilliga 12-ka bil ood ayaa la sheegay inay Dhaqaalaha Ciiddanka Kenya ahaa mid qiyaastii ku dhowq kala-bar Miisaaniyaddii ay EU-da horey u bixin jirtey.

Ururka Midowga Afrika iyo saaxiibad ooda waxay dib u bixiyeen lacag dhan 4.3 Billion oo Shillinka Kenya ayaa u muuqata inay tahay mid kala bar, iyadoo horey loo siin jirey lacag guud ahaan ah dhamayd 8.5 Billion oo Shillinka Kenya, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Kenya.

Wasaaradda waxay kaloo rajeynaysaa inay Midowga Europe dib u soo celin doo naan 5 Billion ooShillinka Kenya sannad-maaliyadeedka bilowday bishan July, wa ana lacagtii ugu yarayd ee shantii sanno ee la soo dhaafay la siiyo Ciiddanka Ken ya ee ku sugan gudaha Somalia.

Ilaa 4,000 oo Ciiddan Kenyan ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, wuxuuna Askari kasta mushaar ahaan bil kasta u qaataa 1,028 Dollar oo u dhiganta 106, 706 Shillinka Kenya, iyadoo Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ka jart aan Mushaarka Askari kasta lacag dhan 200 oo Dollar oo lagu sheegay inay tahay Kharashaadka Maamulka.

Dhinaca kale, Midowga Europe waxay bixiyaan Mushaaraadka Ciiddanka AMISOM, Shaqaalaha Rayidka iyo kuwa Caalamiga, Kharajka Xafiisyadooda iyo qeybo kale.

Sidoo kale, Xafiiska QM ee Taagee rada Somalia waxay iyagana bixiyaan Taa geeradda Loojistikadda ee Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS xilliyadda ay sam aynayaan Hawlgalladda Wadajirka.

QM waxaa soo foodsaaray culays dhan ka dhaqaalaha, iyadoo Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ka digay xaallad aasi, haddii aan dhaqaale si degdeg ah loo helin.

GUDDOONKA LABADA GOLLE EE BAARLAM AAN KA DFS OO KHUDBAD U JEEDIYAY XILDHIBAANADA PUNTLAND

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/07/Aq-750x430.jpgXildhibaanada Baarlamaanka dowlad Gob oleedka Puntland ayaa Maan ta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Xarun tooda oo ku taalla Maga alada Garoowe ee Caasimad da maamulka as.

Kulanka oo ahaa midkii 23-aad ee Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay Gudd oomiyaha Golaha Shac abka Baarlamaan ka Soomaaliya Maxa med Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xige eka koowaad ee Aqalka Sare ee Dalka Abshir Maxamed Axmed Bukhaari.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Khudbad ka jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Gol aha Aqalka sare ee dalka Abshir Bukha ari,waxaana uu sheegay in Aqalka Sare uu wadashaqeyn buuxda uu la yeelan doono Baarlamaanka Puntland.

"Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya isagoo gudanaya waajib aadkiisa Dastuuriga ah wuxuuna idinkala shaqeyn doonaa arrimaha Xeer-dejinta iyo is waafajinta Shuruucda labada heer” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Dhinca kale Guddoomiyaha Golaha Shaca bka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan aya dhankiisa Khudbad u jeediyay Xildhi baanada Baarlamaanka Puntland,isagoo bogaadiyay howlaha shaqo ee u ahayan Puntland.

Guddoomiye Mursal, Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray Magaalada Garoowe,iyagoo halkaas kaga qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka puntland.

GANACSATADDA MUSLIMIINTA KU NOOL CAASIMADDA SHIINAHA OO LAGU SOO ROGAY AMAR ADAG

Maamulayaasha dalkaasi waxay ku amreen Gnaacsatadda Muslimiinta eel eh Baararka iyo goobaha lagu iibiyo cuntada Xala asha inay Boorarka ku qoran Farta Carabiga iyo qoraalladda leh Astaamaha Muslimiinta ka wada fujiyaan goobahooda Gana csiga.

Shaqaalaha ilaa 11 Baar iyo Dukaamo lagu iibiyo Cuntada Xalaasha oo ku taalla magaal ada Bejing ayey Saraakiishu ku amreen inay Muuqaaladda xir iirka leh Islaamka, sida Bisha iyo Ergayga Xalaal ee lagu qoray Farta Carabiga ka wada dejiyaan, kana masax aan Goo bahooda Ganacs iga.

Mid ka mid ah Ganacsatada asi oo qariyey magaciisa ayaa u sheegay Suxufiyiinta in loo she egay inay qoraalladaasi yihiin Dhaqan Shisheeye, lo ona baahan yahay inay aad u isticmaalaan Dhaqanka Shiinaha.

Magaalada Bejing waxaa ku yaalla ugu yaraan 1,000 Baraar iyo goobo ganacsi oo lagu iibiyo cuntada Xalaasha ah, mana ka la cadda in dhamaantooda loo wada sheegay inay Qoraalladda Carabiga iyo Calaamadaha Muslimiinta ka fujiyaan goobahooda Ganacsiga. Dhinaca kale, Dalka Shiinaha oo hoy u ah ilaa 20 million oo Muslimiin ah waxaa horey loogu ballan qaaday Xorriyadda Diin ta, balse Dowladda Shiinaha waxay u ololeynayaan inay Diimaha hoos geeyaan Aydhoolajiyadda Xisbiga Shuuciga ee haya talada dalkaasi.

Balse, Muslimiinta waxa uu dareen khaas ah ku yimid, kadib, Kacdoonkii Musslimiinta Uighur ee looga tiro badan yahay dalkaasi ay dagaal la galeen Qowmiyadda Han ee tirada badan Galbeedka Fog ee Gobalka Shinjiyaand oo ay ku nool yihiin Qowmiyadda Uighur ee Muslimiinka ah.

But Muslims have come in for particular attention since a riot in 2009 between mostly Muslim Uighur people and majority Han Chinese in the far western region of Xinjiang, home to the Uighur minority.

Haatan, dalalka Reer Galbeedka iyo Kooxahooda Xuquuqda Adanaha waxa dareen naqdin leh ku hayaan Siyaasadda Dowl adda Shiinaha ee ay ku hayaan Muslimiinta Shiinaha ee laga tirada badan yahay, kuwaasi oo haatan lagu hayo Xarumo waa weyn iyoIlaalo lagu hayo Muslimiinta Uighurs iyo Muslimiinta kale ee ku nool dalkaasi


SOOMAALIYA

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI

_______________________

PEGASUS

600

W

VELOCITE

OGEYSIISKA WAXAA BIXINAYA A in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation, waa shirkad abaabulan oo ka jirta sharciga Gobolka New Jersey (U.S.A.) of 5959 Las Colinas Boulevard, Irving, 75039-2298, Texas, United States of America

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Saliidayn saliidda & dhammaan alaabada kale ee fasalka.

OGEYSIISKA WAXAA BIXINAYA A. in talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay


SOOMAALIYA

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI

_______________________

ESSOLUBE

OGEYSIISKA WAXAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kore ay yihiin astaamaha ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation, waa shirkad abaabulan oo ka jirta sharciga Gobolka New Jersey (U.S.A.) of 5959 Las Colinas Boulevard, Irving, 75039-2298, Texas, United States of America

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Saliidaha saliidaha iyo saliidaha saliida leh.

OGAYSIISKA AYAASIDOO KALE LABIXIYAA in in talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkada adeegsata summada ganacsiga ama wixii ku dayasho mudan ama ku xadgudba xuquuqda shirkada la sheega


SOOMAALIYA

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI

_______________________

ALMO

D.T.E.

MOBILGARD

MOBILGREASE

MOBILU


OGEYSIISKA WAXAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kore ay yihiin astaamaha ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation, waa shirkad abaabulan oo ka jirta sharciga Gobolka New Jersey (U.S.A.) of 5959 Las Colinas Boulevard, Irving, 75039-2298, Texas, United States of America

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Saliidaha saliida leh & dhamaan alaabada kale ee fasalka.

OGAYSIISKA AYAASIDOO KALE LABIXIYAA in in talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkada adeegsata summada ganacsiga ama wixii ku dayasho mudan ama ku xadgudba xuquuqda shirkada la sheegay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip