SAWIRO:-Muuse Biixi & Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay wadahadallada DF

0
Thursday July 18, 2019 - 22:22:44 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Muuse Biixi & Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay wadahadallada DF

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan Midowga yurub u soo magacaabay iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez. Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan Midowga yurub u soo magacaabay iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez. Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo Maamulkaas. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midowga Yurub ka wadaan Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa. Sidoo kale waxaa kulanka lagu lafo-guray wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay wada hadallo dhexmara Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midowga Yurub iyo Somaliland ka dhaxeeya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip