Faah Faahin: Ciidamo ka Tirsan Dowlada Oo Qarax Lala Eegyatay

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:43:49 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Ciidamo ka Tirsan Dowlada Oo Qarax Lala Eegyatay

    Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya qarax miino lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolkaas. Ciidamada ayaa waxaa uu qaraxa ku qabsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya qarax miino lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolkaas. Ciidamada ayaa waxaa uu qaraxa ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoos ,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan. Qaraxaasi oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca dagaalka oo ay saarnaayeen Ciidamada,waxaana ku geeriyooday 5 Askari oo gaariga la socday,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhaawac jiro. War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas'uuliyada qaraxii ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip