Dad shacab ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:02:01 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad shacab ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad

    Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo labo ka mid ahaayeen Dumar ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Gaarigan la rasaaseeyay oo ahaa Hoomeey ayaa xiligaa marayay marayay Tuul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo labo ka mid ahaayeen Dumar ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Gaarigan la rasaaseeyay oo ahaa Hoomeey ayaa xiligaa marayay marayay Tuulada Xoonshooleey ee dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegeen dadka deegaanka. Qof ka mid ah eheladda dadka weerarkan ku dhintay ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay marka hore Darawalka Gaariga ku amreen in uu joojiye, balse uu ka dhaga-adeygay, taasoo keentay ay rasaas ku furaan. Dhinaca kale iska horimaad hubeysan oo ku dhex maray deegaan u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe maleeshiyo hubeysan ayaa sababtay geerida labo ruux kaddib markii muran ka dhashay lahaanshaha dhulka. Waddada isku xirtay Muqdisho iyo Jowhar ayaa inta badan dadka iyo gaadiidka isticmaala waxaa ay la kulmaan weerarrada noocan ah oo ay geystaan maleeshiyaad hubeysan iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip