Haweeneydii u horreysay oo loo doortay madaxweynaha guddiga Midowga Yurub

0
Wednesday July 17, 2019 - 17:36:03 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeneydii u horreysay oo loo doortay madaxweynaha guddiga Midowga Yurub

    Haweenay u dhalatay dalka Belgium, ayaa noqotay qofkii u horreeyay ee dumar ah oo loo doorto madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, kaddib codeyn qarsoodi ah oo ay sameeyeen guddiga. Madaxweynaha cusub ee guddiga Midowga Yurub,Ursula Von Der Leyen ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay u dhalatay dalka Belgium, ayaa noqotay qofkii u horreeyay ee dumar ah oo loo doorto madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, kaddib codeyn qarsoodi ah oo ay sameeyeen guddiga. Madaxweynaha cusub ee guddiga Midowga Yurub,Ursula Von Der Leyen ayaa heshay codad gaaraya 383 cod waxayna ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay ee xubnaha Baarlamaanka ee Midowaga Yurub oo doorashadaasi sameeyey. Ursula von der Leyen ayaa u mahadcelisay Baarlamankii doortay iyadoo ku tilmaantay kalsoonida ay xubnahaasi siiyeen inay ka tarjumayso midnimada Midowga Yurub qeybaha bariga ,Koonfurta galbeedka iyo Waqooyiga Yurub. Madaxweynaah cusub ee Midowga Yurub ee la doortay Mrs Ursula Von Der Leyen waxay ku dhalatay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium, waxayna leedahay 7 carruur ah,waxay ahayd haweeney dhakhtarad ah ka hor inta aysan ku soo biirin siyaasaddda, waxay ballanqaaday in ay xoogga saari doonto sidii loo heli lahaa daryeel bulsho guud. Sidoo kale waxaa la filaya in bisha soo socota ee November la beddelo guddoomiyaha guddigaasi ee haatan talada haya Jean-Claude Juncker ,kaasi oo la hadal hayo in uu baddelo wasiirka Gaashaandhigga dalka Jarmalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip