Musharaxiinta Madaxtinimada Uganda oo xalay si weyn uga hadlay ciidamada ka jooga Soomaaliya

0
Sunday February 14, 2016 - 17:42:56 in Wararka by
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxiinta Madaxtinimada Uganda oo xalay si weyn uga hadlay ciidamada ka jooga Soomaaliya

    Iyadoo ay 3 maalin un ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Uganda ayaa waxaa ay xalay dood kulul dhex martay musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo ay 3 maalin un ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Uganda ayaa waxaa ay xalay dood kulul dhex martay musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Doodaan oo aheyd tii labaad oo TV-ga qaranka laga sii daayo, ayaa xalay waxaa marki ugu horreysay ka qeybgalay madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni.

Iyadoo dhinacyo badan ay ka hadleeen tartamayaasha, ayaa qodobki ugu muhiimsanaa ee siyaasadda arrimaha dibada waxa uu ahaa ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliya.

General Kise Bisiije oo ah hogaamiyaha mucaaradka isla markaana ah mid ka mid dadka ugu cad cad doorashada ayaa mar uu ka hadlayey ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya uu ku sheegay in isaga uu u arko joogitaankooda mid loo baahnaa in la diro.

Hase yeeshee Mr. Bisige ayaa ku sheegay amaan darrada Soomaaliya iyo nabad la,aanta in ay tahay wax uu ku sheegay siyaasad xumo ka jirto hogaanka.

‘‘Waxay ila tahay in amaandariga halkaasi ka jirto waa mid ku saleeysan siyaasad xumida halkaas ka jirto, marka hadii aad aad isku daydo inaad taageerto hannaan siyaasadeed oo khaldan waxaan u arkaa mas’uuliyad darro’’ ayuu yiyi.

Laakin musharaxa kale ee Benan Braro oo isna ah nin taageerayaal badan ayaa kula dardaarmay in Soomaalida aysan ka sugin in Ugandeska ay u dhisaan dalkooda, balse ay tahay in ay ogaadaan in iyaga ay dalkooda dhistaan.

‘‘Doorka ciidamadayadu ee Soomaaliya wuxuu ahaa in ay abuuraan jawi amaan ee ay Soomaalida dalkeeda ku dhisan karaan, ma ogin waqti cayiman oo aan kasoo bixi karno Soomaaliya, Soomaalida waa in ay dhisataa dalkeeda ee ma ahan in innaga dhisano.’’ ayuu yiri

Doorashada madaxtinimada Uganda oo ay ku tartamayaan sideed musharax ayaa waxaa ay dhici doontaa maalinta Khamiista taariikhduna ay ku beegantahay 18-ka Febraayo ee sanadkaan 2016.

Natiijo kastaa oo kasoo baxda ayaa saameyn ku leh Soomaaliya, maxaa yeeelay Uganda waxaa ka jooga ciidamo kumanaan ah oo ka qeybgalaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee loo yaqaano AMISOM.

dood (1)dood (2)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip