Garsoorihii Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka oo Geeriyooday

0
Sunday February 14, 2016 - 17:23:50 in Wararka by
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorihii Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka oo Geeriyooday

    Antonin Scalia oo ka mid ahaa 9-ka garyaqaan ee ugu sarreysa Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka ayaa geeriyooday. Waxaa uu dhintay isaga oo hurda aroornimadii Sabtida, waxaana qorshahiisu ahaa marka uu hurdada ka soo tooso inuu ugaarsi u aado West T

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonin Scalia oo ka mid ahaa 9-ka garyaqaan ee ugu sarreysa Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka ayaa geeriyooday. Waxaa uu dhintay isaga oo hurda aroornimadii Sabtida, waxaana qorshahiisu ahaa marka uu hurdada ka soo tooso inuu ugaarsi u aado West Texas.

Hadal kasoo baxay Aqalka Cad ee looga talyo Mareykanka ayaa loogu tacsiyeeyey geerida ku timid garyaqaan Antonin Scalia, waxaana sidoo kale lagu sheegay in hadal uu soo saari doono madaxweynaha si gaar ah looga hadli doono geeridiisa.

Garyaqaan Scalia ayaa ka mid ahaa xubnaha qunyar socodka ah ee xisbiga Jamhuuriga u joogay Maxkamada kuwaasoo ka kooban shan, halka afarta kalana ay yihiin dimuqraadi.

Geeridiisa ayaa waxa laga yaabaa in ay ku keeni karto in ay isku dheeli tirnaato awooda gudiga ugu sareeya Maxkamada Sare oo inta uusan dhiman ay maamulayeen qunyar socodka. Waxaana tani ay u suura gelineysaa madaxweyne Barack Obama inuu qof ka socda xisbigiisa u magacaabo booska uu baneeyey sarkaalkan.

Xubnaha shanta ah ee qunyar socodka ah ee ku jira garyaqaanada Maxkamada Sare ayaa laf dhuun gashay ku ahaa madaxweyne Obama, taakooyinki ay u dhigeenna waxaa ugu danbeysay diidmadi ay diideen qorshihi Madaxweyne Obama ee Isbadalka Cimilada iyo sidoo kale xeerka soo galootiga.

Justice Scalia, oo ahaa 79 jir waxaa xilaas u magacaabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Ronald Reagan sanadki 1986.

Sida uu qabo dastuurka Mareykanka, qofki ka mid noqda garyaqaanada ka kooban 9-ka xubin ee ugu sareeya Maxkamada Sare ee Mareykanka waligiis lagama qaadi karo xilkaas, ilaa uu ka dhinto ama uu isaga ama iyada iskeed uga tagto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip