Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxii Daallo Airlines

0
Sunday February 14, 2016 - 16:55:09 in Wararka by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxii Daallo Airlines

    Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu si rasmi ah uu u sheegtay masuuliyadda weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee 2-dii bishan lagu qaaday mid ka mid ah diyaaradaha ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu si rasmi ah uu u sheegtay masuuliyadda weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee 2-dii bishan lagu qaaday mid ka mid ah diyaaradaha ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.

Qoraal ay soo saartay Al Shabaab, ayaa waxay ku sheegtay in bartilmaameydku uu ahaa Sirdoon isugu jira Reer Galbeed iyo Turkiyiin, oo sida ay sheegtay saarnaa diyaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa horey kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Weerarkan, ayaa waxaa la’ogyahay in hal ruux uu ku dhintay, kaasoo la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii gaystay qaraxa, halka laba kalana ay ku dhaawacantay.

Diyaaradda oo ka amba baxday Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Magaalada Djibouti, ayaa 20 daqiiqo ka dib ku soo laabatay Garoonka Aadan Cadde, markii qarax duleel u gaystay diyaaradda laga dhex maqlay.

Laamaha ammaanka, ayaa illaa labaatan qof u soo qab qabtay qaraxaasi, oo uu ku jiro mid ka mid ah Saraakiisha Nabad Suggida, ee ka hawlgasha Garoonkaasi Aadan Cadde.

xigasho:-dhacdo.com

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip