Puntland oo fowdo ku tilmaamtay socdaalkii Kheyre ee Wayooyiga Gaalkacyo

0
Thursday July 11, 2019 - 10:55:56 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo fowdo ku tilmaamtay socdaalkii Kheyre ee Wayooyiga Gaalkacyo

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Magalada Gaalkacyo ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu booqasho ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana booqashadaas dhaliil ka keenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Magalada Gaalkacyo ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu booqasho ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana booqashadaas dhaliil ka keenay Maamulka puntland oo deegaan ahaan maamula. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhamancad ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Kheyre uu ka weecday maqaamka sare oo ay ugu talo galeen inay kusoo dhaweeyaan,isla markaana qorshayaal kale oo u gaar ah uu la tegay Gaalkacyo. Shir Jaraa'id uu Warbaahinta Gaalkacyo ugu qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayuu sheegay in Ra'iisul Wasaaraha ay Madaxtooyadda Gaalkcyo ugu diyaariyeen mas'uuliyiin iyo waxgarad si uu ula kulmo,hayeeshee taasi uu ka diiday,isla markaana uu la hadlay dhalinyaro meel ugu diyaarsanaa sida uu hadalka u dhigay. Ra'iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mamulka Galmudug ayaa waxaa warar soo baxayay ay sheegayeen in booqashada uu ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo ay aheyd mid aan horay loo sii qorsheyn,hayeeshee hadalkaan kasoo yeeray Maamulka puntland uu qeyb ka yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip