Ammaanka dalka Uganda oo si weyn loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro Shabaab ay geystaan

0
Saturday February 13, 2016 - 09:49:11 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka dalka Uganda oo si weyn loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro Shabaab ay geystaan

    Amaanka dalka Uganda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo laga baqayo weeraro amni daro ah oo ka dhacaan dalkaasi xiliga ay socdaan doorashooyinka la qorsheynaayo inay bishaan dhamaadkeeda ka dhacaan dalka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amaanka dalka Uganda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo laga baqayo weeraro amni daro ah oo ka dhacaan dalkaasi xiliga ay socdaan doorashooyinka la qorsheynaayo inay bishaan dhamaadkeeda ka dhacaan dalka Uganda.

Maalmo kooban gudahood ayaa la qorsheynayaa inay doorashooyin qaran ka dhacaan dalka Uganda, waxaana dadka ay soo dooran doonaan Madaxweynaha dalka Uganda iyo xubnaha Baarlamaanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Uganda Kale Kayihura, oo Saxaafada kula hadlay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay in shacabka Uganda ay xaq u leeyihiin inay cabsi la’aan codkooda u dhiibtaan.

Laamaha ammaanka ayuu sheegay inay heegan buuxa ka galeen amni daro ka dhacdo dalka Uganda ayna ka feejigan yihiin weeraro Shabaab iyo kooxaha kale ka geystaan dalka Uganda inta doorashooyinka ay socdaan.

Taliyaha wuxuu sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan dhinaca ammaanka, wuxuuna kaga mahad celiyay shacabka dalka Uganda sida ay kaga qeyb qaadanayaan ammaanka goobaha codeynta ay ka dhaceyso dhamaadka bishan February.

Sidoo kale ciidamada Booliska ayuu kaga mahadceliyay waajibaadka ay gudanayaan maadaama magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi lagu daadiyay ciidamo badan oo booliska ka tirsan.

Ugu dambeyn ayuu sheegay taliyaha ciidamada booliska dalka Uganda iney shacabka ka dalbanayaan iney si wanaagsan ula shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago qataro dhanka amaanka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip