Xulka gabdhaha Netherlands oo iska xaadiriyey Final-ka Koobka Dumarka adduunka

0
Thursday July 04, 2019 - 21:40:29 in Wararka by
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka gabdhaha Netherlands oo iska xaadiriyey Final-ka Koobka Dumarka adduunka

    Xulka qaranka gabadhaha Netherlands ayaa taariikh cusub sameeyey kaddib markii ay xalay gaareen markoodii ugu horreysay taariikhda final-ka Koobka Adduunka dumarka. Xulka Netherlands ayaa xalay guul ka gaaray dhiggooda Sweden oo ay ciyaar kululi d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka gabadhaha Netherlands ayaa taariikh cusub sameeyey kaddib markii ay xalay gaareen markoodii ugu horreysay taariikhda final-ka Koobka Adduunka dumarka. Xulka Netherlands ayaa xalay guul ka gaaray dhiggooda Sweden oo ay ciyaar kululi dhex martay. Kulankan oo ka tirsanaa afar dhammaadka Koobka Adduunka haweenka ayaa ahaa mid la isku daalay iyadoo 90-ka daqiiqo lagu kala bixi waayey barbaro 0-0, iyadoo labada kooxood ay isku heleen fursado ay goolal isaga dhalin kareen. Waxaa loo baahday in labada xul kala saaro, maadaama ciyaartu aysan noqon Karin barbar-dhac oo ay tahay in midi harto. Waxaana ciyaarta lagu kordhiyey 30 daqiiqo oo dheeri ah, iyadoo xulka Holland ay la yimaadeen goolka qura oo ay guusha ku qaateen, waxaa u dhaliyey goolka guusha daqiiqadii 99 , xidigtooda Jackie Groenen oo taariikh soo hooysay. Holland ayaa sidaa isaga xaadirisay kama dambeysta Koobka Adduunka Dumarka ee 2019. Gabadhaha Netherland ayaa final-ka la ciyaari doonana dhiggooda Mareykanka, iyadoo ay xusid mudan tahay in gabdhaha Mreykanka ay difaacanayaan koobka sanadkan, waxaana kulankan la ciyaari doonaa 07 bishan July oo ku beegan sabtida soo socda


 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip