Nato oo bilaabaysa howlgalo ay ugaga hortagayso qaxootiga badda Aegean

0
Friday February 12, 2016 - 00:13:50 in Wararka by
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nato oo bilaabaysa howlgalo ay ugaga hortagayso qaxootiga badda Aegean

    Ciidamo ka socda gaashaanbuurta Nato ayaa bilaabaya in ay ilaaliyaan Badda Aegean si loo joojiyo kooxaha sida dhuumaalaysiga ah ku geliya dadka qaxootiga ah wadanka Giriigga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka socda gaashaanbuurta Nato ayaa bilaabaya in ay ilaaliyaan Badda Aegean si loo joojiyo kooxaha sida dhuumaalaysiga ah ku geliya dadka qaxootiga ah wadanka Giriigga.

Ku dhawaaqidan ayaa timid kadib markii wadamada Turkey, Jarmalka iyo Gariiga oo xubin ka ah Nato ay codsadeen waxana go’aankan laga soo saaray kulan ay Wasiirada difaaca ee Nato ku kulmeen magaalada Brussels.

Madax Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in howlgalkan uusan ahayn in la joojiyo ama dib loo celiyo dadka ku qaxaya doomanka balse waxa uu yahay howlgalkan mid loogaga hortagayo dadka sida sharci darrada ah dadka u soo daabulo.

Ugu yaraan 75,000 oo qaxooti ayaa badda ku yimid Gariiga sanadkan 2016-ka, sida ay sheegtay hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip