Neymar oo la hadalhayo in maalmaha soo socda uu dib ugu laabanayo Barcelona

0
Saturday June 29, 2019 - 11:24:21 in Wararka by
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar oo la hadalhayo in maalmaha soo socda uu dib ugu laabanayo Barcelona

    Ciyaariyahankii hore ee reer Brazil Rivaldo ayaa fikirkiisa ku biirIyay ku soo laabashada Neyamr ee kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan wax uuna ka hadlay sida ay la tahay in Neymar oo 2017 ka tegay Barcelona oo ku biiray PSG

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaariyahankii hore ee reer Brazil Rivaldo ayaa fikirkiisa ku biirIyay ku soo laabashada Neyamr ee kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan wax uuna ka hadlay sida ay la tahay in Neymar oo 2017 ka tegay Barcelona oo ku biiray PSG oo haatan ku laabanayo Barcelona. Neymar in uu dib ugu so laabto Kooxda Barcelona waxaa u xiiso iyo hillow qaba Taagerayasha faraha badan ee Kooxda, ciyaariyannada Saaxibada dhaw la ahaa sida Messi iyo Suarez, waxa uu ahaa walina yahay ciyaariyahankii ugu qaalisana abaid taariikhda, lacag dhan €222 M ayaana lagu iibsaday Xidigaas Reer Brazil.

Neymar oo hadda dhaawac kaga maqan xulkiisa Brazil oo ciyaaraya Cop America ayaa maalmo ka hor qabay fikirka ah in uu Xilli-ciyaredka soo socda iska sii joogo horyaalka dalka Faransiiska balse khilaaf soo kala dhex galay asaga iyo Milkiilaha Kooxda Nasir Alkhaliifi ayaa bedelay arinkaas waxaana mugdi galay mustaqabalkiisa, Hadda waxa uu aad ugu dhawayahay ku laabashada Barcenola.

Xidigii hore ee Reer Brazil Rivaldo oo la hadlayay wargayska AS ayaa yiri” Xalka ugu fiican ayaa ah Ku laabashada Neymar ee Barcelona” wax uuna intaasi ku daray "Laakiin Marka hore waa in uu raali galiyo taageerayaasha waliba ka codsado in ay iska cafiyaan qaabkii uu uga tagay kooxda, sababta oo ah joogista kooxda mar kale waxa ay dareensiin doontaa wax fiican iyo waliba qaab ciyaareed fiican”.

Neymar ayaan la ogayn sida uu wax yeeli doono balse hadal-heyntiisa ah in uu ku laaban doono kooxdiisii hore ee Barcelona ayaa ah midda ugu hadalheynta badan khubarada iyo waregysyada ka faallooda ciyaaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip