Waqtiga la dhageysanayo Racfaanka Dacwada kiiskii Caaisho ilyaas oo la shaaciyay

0
Monday June 17, 2019 - 19:37:23 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga la dhageysanayo Racfaanka Dacwada kiiskii Caaisho ilyaas oo la shaaciyay

    War Maanta kasoo baxay Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa lagu shaaciyay waqtiga la bilaabi doono dhageysiga Dacwada Racfaanka falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Maanta kasoo baxay Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa lagu shaaciyay waqtiga la bilaabi doono dhageysiga Dacwada Racfaanka falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan. Warkan ayaa lagu sheegay in 22-ka Bishan June oo ah Gudaha todobaadka soo socda la dhageysan doono dacwada racfaanka kiiskii Caaishi Ilyaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen saddex eedeysane oo falkaasi lo xukumay.

12-kii bishii May ee sannadkan 2019 ayaa Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex Ruux oo lagu eedeeyey kufsiga iyo dilka Caaisho ilyaas,hayeeshee racfaan ay ka qaateen dib markale Maxkamad loo horkeeni doono.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magalada Gaalkacyo Bishii Febaraayo ee sanadkaan loogu geystay Caaisho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 jir ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip