Xoghayaha kumeelgaarka ah ee difaaca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa horraanti bishaan waqrad uu u diray dowladda Turkiga ugu digay cawaaqib xoog leh haddii ay uga laaban weysay heshiiskaasi ilaa 31-ga bisha July. Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo eriyi doonaan duuliyaal Turkish ah oo hadda tababarro la xiriira dhanka duulista diyaaradaha dagaalka ee F-35 u jooga dalkaan Mareykanka.
Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Mareykanka ka gato in ka badan 100 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nuuca loo yaqaano F-35. Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu heshiiskaasi joojin doono, sababo uu ku sheegay in aysan meel isla gali karin gantaallada difaaca Ruushka ee S-400 iyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Turkiga oo shaaciyay xilliga ay soo gaarayaan Gantaalada S-400
Madaxweynaha Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta shaaca ka qaaday in wixi lagu gaaro bilowga bisha soo socota ee July ay filayaan in Turkiga ay soo gaaraan gantaallada S-400 ee ay kasoo iibsadeen Ruushka. Telefashinka CNN qeybtiisa Af-Tu