QM oo dalbatay in la baaro weerarkii lagu qaaday maraakiibta

0
Saturday June 15, 2019 - 22:09:53 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo dalbatay in la baaro weerarkii lagu qaaday maraakiibta

    Sucuudiga ayaa doonaya in jawaab "degdeg ah oo go'aan leh" laga bixiyo weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta saliidda ee gobolkaa marayey. Wasiirka tamarta, Khaalid Al-Faalix, ayaa sheegay khatarta arintaasi ku yeelan karto shid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga ayaa doonaya in jawaab "degdeg ah oo go'aan leh" laga bixiyo weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta saliidda ee gobolkaa marayey. Wasiirka tamarta, Khaalid Al-Faalix, ayaa sheegay khatarta arintaasi ku yeelan karto shidaalka iyo suuqiisa dunidaba.

Khamiistii ayaa laba markab oo kuwa saliidda qaada ah lagu weeraray gacanka Cummaan, bilk a horna afar kale ayaa meel ka baxsan xeebaha Imaaraadka lagu beegsaday.

Maraykank ayaa arint ku eedeeyey Iran, hase yeeshee Iran way beenisay in ay wax lug ah ku leedahay.

Weerarradaasi waxay dhaceen iyadoo ay xiisadda labada dal dhex taal sii kooxgaysanays. Qiimaha shidaalkuna wuxu tan iyo dhacdadii Khamiistii kor u kacay 4%.

Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutteres, ayaa ku baaqay in ay lama huraan tahay in baaritaan madax bannaan oo dhacdaa caddeeya la sameeyo.

Ururka ugu weyn ee ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha maraakiibta caalamka ee BIMCO, ayaa ka digay xaaladda ka sii daraysa ee marinka Hormuz iyo Khaliijka Carabta kadib weerarradii ugu dambeeyay ee halkaa lagula beegsaday maraakiibta shidaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip