Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dad rayid ah oo lagu laayay magaalada Gaalkacyo

0
Saturday June 15, 2019 - 11:45:54 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dad rayid ah oo lagu laayay magaalada Gaalkacyo

    Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka 9 ruux oo rayid oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii maleeshiyo beelleed ka careysay dilka sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug si wadar ah u toogteen dadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka 9 ruux oo rayid oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii maleeshiyo beelleed ka careysay dilka sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug si wadar ah u toogteen dadkan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka dadkan uu yimid kaddib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen xalay Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad suggida Galmudug oo lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed , balse markii danbe maleeshiyaad careysay ay toogasho ku dileen 9 ruux oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyaga oo ugu Aar-gudaya sida ay goobjoogayaashu sheegeen dilka sarkaalka.

 

Dadka la dilay ayaa la sheegay in laga soo saaray guri loo maleynayay in ay galleen labo ka mid ah kooxdii toogashada u geysatay sarkaalka xalay la dilay.

Saraakiisha Booliska ayaa dhnakooda sheegay in dadka la dilay wali aysan xaqiijin karin in ay yihiin kuwii dilay Sarkaalka.

Waa tiradii ugu badneyd oo dad rayid ah oo mar kaliya lagu dilo magaalada Gaalkacyo kuwaa oo ka soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip