Ciidanka AMISOM oo la wareegay amniga Baladweyne iyo xaaladda oo deggen

0
Wednesday June 12, 2019 - 21:18:05 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka AMISOM oo la wareegay amniga Baladweyne iyo xaaladda oo deggen

    Xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa haatan deggen, markii ay Ciidanka AMISOM la wareegeen Gacan ku haynta goobaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Hiiraan iyo koontaroolka degaanka Kalabeyr oo ah halkii ay ka billaabatay shaqaaqadii Shalay k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa haatan deggen, markii ay Ciidanka AMISOM la wareegeen Gacan ku haynta goobaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Hiiraan iyo koontaroolka degaanka Kalabeyr oo ah halkii ay ka billaabatay shaqaaqadii Shalay ka dhacday halkaasi. Goobaha ay la wareegeen Ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo daacad u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ,Yuusuf Axmed Hagar "Dabageed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa haatan gaaray Magaalada Baladweyne, waxaana lagu wadaa in sidoo kale uu halkaasi tago guddi uu xaqiiqa raadin ah oo Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip