Marekanka oo ballan-qaaday inuu xoojinayo howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya

0
Wednesday June 12, 2019 - 18:33:37 in Wararka by
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marekanka oo ballan-qaaday inuu xoojinayo howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya

    Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka al-Shabaab.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulan ay shalay  Muqdisho ku yeesheen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga, taliyaha hawlgalladda militariga Maraykanka ka jooga qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa ballanqaadka lagu sameeyay.


"Taageerada nabadgalyo ee Soomaaliya waxay qeyb muhiim ah ka tahay dedaalka uu Marekanka  dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed lagala shaqeynayo ammaanka iyo nabadda dalkooda." ayuu yiri Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto.

" Degganaashaha iyo nabadda Soomaaliya micnaheedu waa deganaashaha dheeriga ah ee mandiqadda geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan dhismaha mustaqbal barwaaqo ah." ayuu ku daray Donald Yamamoto.

Marekanka ayaa howlgallo uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya ka fuliya deegaanno ka tirsan dalka, waxaana inta badan howlgallada lagu beegsadaa saldhigyada al-Shabaab iyo Daacish.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip