Ciidamada DANAB oo howlgal ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

0
Wednesday June 12, 2019 - 11:46:40 in Wararka by
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada DANAB oo howlgal ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Hoggaamineysay howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku duuleen xog sirdoon oo ay heleen,isla markaana ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha qeybta Ururka 2aad ee Ciidanka DANAB ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Muraal ayaa sheegay in Ciidanka degan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalkaas,isla markaan aay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse dhankooda aan wax khasaaro ah geysan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan,isla markaana howlgalkaan ka xiga uu noqon doono deeganka Koban iyo deegaano kale oo ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq dhaqaaqyo waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip