Muwaadin Soomaali Oo Dhowr Sanno Ku Xirnaa Mareykanka Oo La Sii Daayey

0
Tuesday May 21, 2019 - 19:37:53 in Wararka by
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali Oo Dhowr Sanno Ku Xirnaa Mareykanka Oo La Sii Daayey

    Maxamed Axmed Cali ayaa shalay laga sii daayey Xabsi ku yaalla magaalladda New Hampshire ee Gobalka New England ee dalka Britain, kadib, markii muddo 2-sanno iyo 7 bilood ku xirnaa Xabsiyo ku kala yaalla 6 Gobal oo ka tirsan Goballadda Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Axmed Cali ayaa shalay laga sii daayey Xabsi ku yaalla magaalladda New Hampshire ee Gobalka New England ee dalka Britain, kadib, markii muddo 2-sanno iyo 7 bilood ku xirnaa Xabsiyo ku kala yaalla 6 Gobal oo ka tirsan Goballadda Maraykanka.
 

Sii-dayntiisa ayaa waxay ka dambaysay, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU dhawaan buuxiyeen Gal-dacwadeed ay ku codsadeen in la sii daayo Muwaadinka Soomaalida ee sharci-darradda u xirnaa.

Saraakiisha Hay’adda ACLU waxay sheegeen inuu Maxamed Axmed Cali isku dayey inuu qaab sharci ah u soo galo Deked ku taalla magaalladda San Diego sannadkii 2016-kii, balse ay Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ay xireen, iyagoo aan wax fursad ah u siinin in loo gudbiyo Maxkamadda.

Mar uu la hadlay Telefishinka WMUR 9 waxa uu u mahad celiyey Hay’adda u dooda Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU iyo Qareenadiisa ee gacan ka geystay sidii uu uga soo bixi lahaa Xabsiga.

Maxamed Axmed Cali waxa uu sheegay inay Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee ICE jir-dileen, muddadii ay socotay Isku-daygii fashilmay ee lagu masaafurin lahaa.


Waxa kale oo uu sheegay inuu weli ka walaacsan yahay Ammaankiisa, isagoo sheegay inuusan doonaynin in Wejigiisa lagu soo bandhigo Shaashadaha.
Waxa uu xusay inay Katiinad kaga xireen lugaha, isla markaana uu u xirnaa Garba-duub, loona geystay jir-dil iyo cabsi-gelin kale.

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha Maraykanka ee ICE waxay sheegeen inaysan ka jawaabi Karin eedeymaha loo soo jeediyey.

Dhinaca kale, Maxamed Axmed Cali waxa uu hataan doonayaa inuu sii joogo Maraykanka, isagoo sii maraya qaabka Mgaangelyo-doonka.

Waxa uu ka mid ahaa 92 qof oo Soomaali oo dacwad ku soo oogay Dowladda Maraykanka, kadib, markii iyagoo lugaha iyo gacmaha ka jeebadaysan ay muddo 2 maalmood dhex yurureen Diyaarad la doonayey in dib loogu celiyo dalka Somalia sannadkii 2017-kii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip