Kooxda Liverpool oo xalay Taariikh u dhigtay Barcelona, kagana adkaatay 4-0+Sawirro

0
Wednesday May 08, 2019 - 23:52:37 in Wararka by
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Liverpool oo xalay Taariikh u dhigtay Barcelona, kagana adkaatay 4-0+Sawirro

    Liverpool ayaa xalay qortay taariikh lama ilaawaan ah kaddib markii ay 4-0 ku xaaqday Barcelona oo lugtii hore ee Semi final ka uga soo adkaatay 3-0.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa xalay qortay taariikh lama ilaawaan ah kaddib markii ay 4-0 ku xaaqday Barcelona oo lugtii hore ee Semi final ka uga soo adkaatay 3-0.
Cid saadaalineysay ma jirin natiijadan waayo waxaa xitaa Reds ka sii maqnaa xiddigaha ay ku tashato ee Maxamed Saalax iyo Firmino, balse geesinimo ay muujiyeen xiddigihii fursada la siiyay kulankaan ayaa horseeday soo laabasho taariikhi ah.

Jahwareerkii xalay ku dhacay Barcelona waxay xitaa keentay in Baska kooxda uu Anfield uga dhex tago xiddigooda Lionel Messi oo markii dambe kaligiis soo baxay.

Xiddiga reer Argentina ayaa Anfield lagu mariyay tijaabooyin maandooriyayaasha ee ciyaartoyda ka mamnuuca ah isla markii uu kulanku dhammaaday.

Baska kooxda ayaa ka tagay oo toos u abaaray garoonka diyaaradaha maadaama lagu daahay tijaabooyinkii la marsiinayay sida uu wariyay warsidaha El Chiringuito.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip