Hambalyo, Hadaad doontana iska diid!!!.

0
Friday May 03, 2019 - 20:14:40 in Wararka by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo, Hadaad doontana iska diid!!!.

    War waan hilmaamay ileyn maanta waa 1da May. Waxaan Hambalyo u dirayaa, dhamaan shaqaalaha wax Soo saarkooda shacabku Ka faa' iidaan iyo kuwa wax Soo saarkooda Madaxdu Ka faa'iido.( F.S: 1 & 2aad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War waan hilmaamay ileyn maanta waa 1da May. Waxaan Hambalyo u dirayaa, dhamaan shaqaalaha wax Soo saarkooda shacabku Ka faa' iidaan iyo kuwa wax Soo saarkooda Madaxdu Ka faa'iido.( F.S: 1 & 2aad)

Kuwa hilmaamay in ey tahay 1da May iyo kuwa hadda la baranayo, kuwa Mushaarkooda la siiyay inta uu dhididkoodu qoyan yahay ( sida Diinta islaamku na fareeyso) iyo kuwa uu Ka maqan yahay 3 Billood, kuwa Af fur-ka Ramadan laga sugayo usbuuca dambe kadibna ciyaalku Ciid weeydiin doonaan, Mushaarkuna Lacala yahay.

Kuwa usbuuciiba ciyaalka u xawilo xoolihii xamaaliga, iyo xamaaliga Xammaadu (TB) Ku dhacday.

Kuwa shaqada eynan Aqoonin Mushaar Ku qaato iyo kuwa Shaqada ey yaqiineen aan Mushaar ku qaadan. Ciidamada Qorax jooga ah ee "Solar-ka” ku shaqeeya iyo Sarkaalka ey wax Ka sugayaan.

Ma hilmaamin shaqaalaha & khubarada heyadaha Shaxaadka, Taageerayaasha aan la tixgalin, kuwa FB-ga Ku ceeytama, Fadhi Ku dirirka Madaxda banaan iyo Shaqaalaha kalamaan.

Mar kale Hambalyo, hadaad doontana iska diid.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip