Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Ku Soo Laabanayo Shaqada Tababarenimo Xilli Dhow Wareysigiisii Ugu Horeysay Ee Uu Bixiyay Tan Iyo Markii La Ceyriyay.

0
Sunday February 07, 2016 - 12:21:12 in Sports News by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Ku Soo Laabanayo Shaqada Tababarenimo Xilli Dhow Wareysigiisii Ugu Horeysay Ee Uu Bixiyay Tan Iyo Markii La Ceyriyay.

    Jose Mourinhoayaa si weyn u doonaya inuu ugu soo laabto shaqada tababarka, waxaana uu sheegay inuu doonayo inuu ku negaado England, wareysigiisii ugu horeysay ee uu bixiyay tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinhoayaa si weyn u doonaya inuu ugu soo laabto shaqada tababarka, waxaana uu sheegay inuu doonayo inuu ku negaado England, wareysigiisii ugu horeysay ee uu bixiyay tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea.

Tababaraha reer Portugal ayaa lagu waramayay inuu wadahadalo kula jiro isbuucyadii u danbeysay Man United iyadoo la filayo inuu Louis van Gaal ka bedelo shaqada Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa iska aamusnaa tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea bishii December, laakiin wareysigiisii ugu horeysay ee uu bixiyay tan iyo markaas waxa uu ku sheegay inuu doonayo inuu sida ugu dhakhsiyaha badan ugu soo laabto kubada cagta.

Jose Mourinho

Wareysi uu siiyay GQ, tababaraha rere Portugal ayaa ka hadlay waxa uu sameynayay tan iyo markii uu ka tagay Chelsea isagoo kaxeynayay gaari cusub oo Jaguar ah.

"Inaan si buuxda u faraxsanaado waxaan u baahanahay wax walba, sidaasi darteed waxaan ku laabanayaa kubada cagta. Waxaan qabaa inay tahay meel aan ku noolaan karo. Waxaan shaqeynayay tan iyo intii aan xusuusto, waxaana tababare ahaa tan iyo 2000. Waa hubaal waan soo laabanayaa xilli dhow” ayuu yiri.

Mourinho oo si xoogan lala xiriirinayay Manchester United ayaa ka gaabsaday inuu magacaabo Red Devils laakiin waxa uu sheegay inuu ku negaan doono Premier League.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: "Waqtigaan la joogo ma heysto shaqo, mana aqaano halka ay kubada cagta ii qaadi karto sababtoo ah kubada cagta ma ogid waxa dhici kara. Laakiin waxaa hubaal, hubaal, hubaal ah, qoys ahaan, gurigeena waxa uu noqon doonaa Ingariiska.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip