Soomaaliland oo Xabsiga dhigtay Wariye Cabdi Maalik Coldoon

0
Thursday April 18, 2019 - 10:06:19 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliland oo Xabsiga dhigtay Wariye Cabdi Maalik Coldoon

    Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa xalay Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxa ay ku xireen Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa xalay Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxa ay ku xireen Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Soomaalida.

Ehelada Wariyaha ayaa waxaa ay sheegeen in xilliga la qabanayey uu Gaari ku dhex watay bartamaha Magalada Burco,hayeeshee uu ka cararay,isla markaana uu galay guri ku yaalla Magalada Burco oo ay kasoo xireen.

Booliska  Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa waxaa ay horey u sheegeen in Maxkamadda Magalada Hargeysa waaran qabasho ah looga soo jaray Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada BVooliska Soomaaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Soomaaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip