HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA ABRIIL 2019-KA

0
Monday April 15, 2019 - 10:27:05 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA ABRIIL 2019-KA

    DAD LAGU DILAY WEERAR XALAY KA DHACAY DEEGAANKA CEELASHA BIYAHA Xalay fiidkii ayaa rag hubeysan waxaa ay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ku dileen ilaa Saddex ruux, iyada oo la xaqiijiyey in dilka kadib ay goobta ka baxsadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAD LAGU DILAY WEERAR XALAY KA DHACAY DEEGAANKA CEELASHA BIYAHA Xalay fiidkii ayaa rag hubeysan waxaa ay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ku dileen ilaa Saddex ruux, iyada oo la xaqiijiyey in dilka kadib ay goobta ka baxsadeen. Dilka ayaa yimid kadib markii Ragga hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay Isgoyska deegaanka ceelasha Biyaha,waxaana rasaastaas ku geeriyooday Saddex qof oo gaariga la rasaaseeyey watay. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga gaariga rasaaseeyey ay iyana wateen gaari kale,isla markaana weerarka kadib ay goobta ka baxsadeen,waxaana halkaasi meydka dadka ka qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta gaaray.Weli macada waxa ay ahaayeen saddexda ruux ee gaarigii ay saarnaayeen lagu weeraray ee lagu dilay iyo cidda ka dambeysa dilkooda,waxaana dhacdadaas aad uga naxay dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho. Weerarka dadka lagu dilay ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ciidamada Dowladda ka fulinayen howlgallo kala duwan,isla markaana ay kusoo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa.

NALALKA CADCEEDA KU SHAQEEYA OO LAGA HERGALIYAY DEGMADA BUULABURTE

Nalalka cadceeda ku shaqeeyo ee laga hirgilinayo degmada Buula burte ayaa waxaa iska kaashaday sanduuqa xasilinta Soomaaliya dowlada Federaalka Iyo maamulka goboedka Hirshabelle.

Gudoomiyaha degmada Buulloburte Cabdi Casiis Cabdule Duuroow iyo duqa degmada Maxamed Fiidoow Cawaale ayaa si wada jir ah uga qeyb galay xaflad lagu daah furayay bilihii ugu horeyay ee laga hirgaliyo wadooyinka degmada Buulo burte.

Qeybaha Bulshada ku nool dagmada BuulaBurte ayaa so dhaweyay hirgilinta nalalka cad ceeda ku shaqeeyo waxaana ay ku tilmaameen Talaabo dhinaca horumarka iyo nabada galyada loo qaaday.

Hirgilinta nalalka cadceeda ku shaqeeyo ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo laga hirgiliyay nalalka cad ceeda ku shaqeeyo dagmada Buula burte tan iyo markii Soomaaliya ay soo gaareen kuwaas oo meelo badan oo dalka ah laga hirgiliyay.

MUUSE BIIXI OO SAMEEYAY XILKA QAADIS IYO MAGACAABIS

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan maamulkaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday Cawaale Ibraahim Shirwac oo ahaa wasiirkii wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga xayuubiyay Axmed Xasan Cigaal oo maamulkaasi wakiil uga ahaa Itoobiya.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa isla wareegtadan ku magacaabay masuuliyiin cusub.

1 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta

2 Cumar Cali Cabdullahi Bade wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax wasiirka kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdulle ayaa isna loo macagaabay wakiilka maamulka Somaliland ee Itoobiya.

Bishii hore ee March ayey aheyd markii, xilka qaadis lagu sameeyay wasiirkii WarfaafintaSomaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo), Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir kuxigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland, waxaana masu’uuliyiintaasi lagu eedeeyay in ay ku kaceen arrimo la xariiqa Musuqmaasuq.

SOMALIA IYO KENYA OO ISKA KAASHAN AYO BAADIGOOBKA DHAKHAATI IRTII KUUBAANKA EE LA AFDUUBTAY.

Taliska Booliska Kenya waxay bartooda Twitterka soo dhigeen inay Hay’addaha Ammaanka ee Somalia iyo Kenya ka wada shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa 2dii Dr-Assel-Herera-Correa-and-Dr-Landy-RodriguezDhakhtar ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab daraad ka soo qafaasheen Degmadda Mandhera ee W/bari ee dalkaasi.

"Hay’addaheenna Ammanaka waxay kala shaqeynayaan Hay’addaha Ammaanka ee DFS sidii Kooxihii afduubtay Dhakhaatii rtaasi looga baadigoobi lahaa gudaha dalka Somalia, loona soo badbadain lahaa Dhakhaatiirtaasi.

Dhinaca kale, Boliska dalka Kenya waxay sheegeen inay Alshabaab ku tuhunsan yihiin inay gacanta ku hayaan Dhakhaatiirtaasi, isla markaana ay ula soo gudbeen xuduudka Somalia.

Labada Dhakhtar ee laga soo afduubtay Degmadda Mandhera ee W/bari Kneya oo lagu kala magacaabo waxay ka mid ahaayeen 100 Dhakhaatiir u dhalatay dalka Kuuba oo Takhasusyo Caafimaad leh, kuwaasi oo dalka Kenya joogay tan iyo bishii June ee sannadkii hore ee 2018ka

GAADIIDKA DADWEYNAHA EE U KALA BAXA XAAFADAHA HARGEYSA OO SHAQO JOOJIN SAMEEYEY

Gaadiidka u kala goosha xaafadaha magaaladda Hargeysa ee looyaqaan Busaska ayaa shalay gabi ahaanba shaqooyinkii joojiyey ka dib markii ay ka cawdeen gaadiidka Taksiyadda yaryar oo shaqooyinkoodii ka qaaday.

Guddida Busaska ayaa sheegay in ciidanka amnigu wax ka qaban waayey amar ka soo baxay dawladda hoose ee Hargeysa oo lagu kala xadaynayo gaadiidka yaryar iyo Busaska, ka dibna ay ka baqeen inay isku dhacaan labadda gaadiid, taasina ay keentay inay iyagu door bideen inay shaqooyinkii ay dadweynaha u hayeen joojiyaan inta wax laga qabanayo.

Gaadiidka waaweyn ee Busaska ayaa inta badan u kala goosha magaaladda dhexdoodda, haseyeeshee gaadiidkii yaryaraa ee Takaasida ayaa ugu yimid dadkii ay qaadi jireen Busaska, taasina waxay keentay inuu dagaal dhexmaro gaadiidka yaryar iyo Busaska, ka dibna waxay isla qaateen Busasku inay joojiyaan shaqooyinkii ay dadka u hayeen.

Gudoomiyaha Busasleyda Cabdikarim Axmed Yuusuf ayaa sheegay in markii wax laga qaban waayey, isla markaana ay ka baqdeen inay gacmaha iskula tagaan ay lanoqotay inay joojiyaan Busaska.

Dadweynihii macmiisha u ahaa busaska ayaa shalay waayey wax ay raacaan, waxaaana jaaniska ay baneeyeen ka faa’iiday takaasidii yaryaraa oo dadkii gurayey.

ODAYAASHA DHAQANKA BEESHA MUDU LOOD OO KU DHAWAAQAY SHIRWE YNE QARAN OO LOOGA TASHANAYO AAYAHA SHACABKA GOBOLKA BANAADIR

shirweynaha waxgaradka muqdisho ku baaqeenImaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shirweyne lagu qabanayo Magalada Muqdisho kaas oo looga hadlayo dhibaatooyinka ka jira Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxa uu walaac ka muujiyey dhibaatooyinka dilalka u badan ee ka dhacaya Magalada Muqdisho gaar ahaan dilkii ugu dambeeyey ee Darawal Mooto Bajaaj iyo Abtigiis oo daraad lagu dilay agagaarka Isgoyska HowlWadaag ee gobolkan Banaadir,waxaana uu dalbaday in askarigii dilka geystay sharciga la horkeeno.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn hadii ay yihiin Odayaasha Dhaqanka dilalka had iyo jeer ka dhacaya Magalada Muqdisho,isla markaana la qaban doono Shirweyne.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali ma shaacin nooca uu noqon doono shirweynahaas, iyada oo la wada ogyahay in Magalada Muqdisho aysan laheyn metelaad gaar ah iyo Maamul ay iyagu doorteen oo u Madax banaan.

KUSIMAHA RA’IISUL WASAARAHA OO AMAR SIIYAY WASIIRKA TAMARTA

KhadarKAKusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa shalay faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, dardargelinta qorshayaasha wasaaradda si loogu guulaysto hadafyada waawayn ee dawladdu ka leedahay horumarinta dalka.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa cadeeyay in biyuhu ay yihiin furaha waraabka, daaqsinta, dhismaha iyo qurxinta dalka, ayna muhiim u tahay in si wanaagsan loo maamulo biyaha dalka, si looga faa’iidaysto, waxaa kale oo intaa uu raaciyay in tamartuna ay halbowle u tahay dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa waxa uu shalay xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Tamarta iyo biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, iyo kusimihii wasaaradda, ahna wasiir kuxigeen, Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim

MUUSE BIIXI OO SAMEEYAY XILKA QAADIS IYO MAGACAABIS

YAMAMOTO IYO LAFTAGAREENMuuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan maamulkaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday Cawaale Ibraahim Shirwac oo ahaa wasiirkii wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga xayuubiyay Axmed Xasan Cigaal oo maamulkaasi wakiil uga ahaa Itoobiya.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa isla wareegtadan ku magacaabay masuuliyiin cusub.

1 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta

2 Cumar Cali Cabdullahi Bade wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax wasiirka kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdulle ayaa isna loo macagaabay wakiilka maamulka Somaliland ee Itoobiya.

Bishii hore ee March ayey aheyd markii, xilka qaadis lagu sameeyay wasiirkii WarfaafintaSomaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo), Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir kuxigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland, waxaana masu’uuliyiintaasi lagu eedeeyay in ay ku kaceen arrimo la xariiqa Musuqmaasuq.

HOGGAAMIYE KU XIGEENKII DAACISHTA SOOMAALIYA OO LA DILAY

shabaabbbbbWasiirka Amniga maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday gobolka Bari in lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish Cabdixakiin Dhoqob.

Wasiirka waxaa uu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday Tuulada Xiriiro ee Duleedka Degmada IskuShuban ee Gobalka Bari.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan xubno badan oo lala dilay Hoggaamiye ku xigeenka Ururka Daacish.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaraddaha dagaalka ee dalka Mareykanka,waxaana la sheegay xilliga la beegsanaayay in ay ku jireen Safar.

MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO MUQDISHO KULA KULMAY RAISEDON ZENENGA IYO DONALD YAMAMOTO

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho Kullan kula Qaatey Sii hayaha Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Soomaliya ahna kuxigeenka Wakiilka Mr Raisedon Zenenga,

Labada masuul ayaa waxaa ay kawada hadleen iney yeeshan wada shaqeyn dhow, iyo sidii Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya gacan looga siin lahaa furida waddooyinka ay Go’odoomiyeen AlShabab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ayaa Magaalada Muqdisho kullan kula qaatey Safiirka Soomaaliya u jooga Mareykanka Donald Yamamoto,waxaama ay ka wada hadleen kobcinta dhaqaalaha koonfur galbeed iyo sidii Maamulka Koonfur galbeed Mareykanka Gacan ugu siin lahaa la dagaalanka AlShabab,iyo sii Mareykanka Mashaariic horumarineed ugu fulin lahaa Deegaanada KGS

GUDDIGA AMNIGA XUKUUMADDA OO DIGNIIN U DIRAY BAJAAJLEYDA

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda.

Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo faldembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono.

Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah.

Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka.

Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda.

(WARBIXIN) TARTANKA HUBKA EE DALALKA BARIGA AFRIKA OO SARE U KACAY

Dowladaha Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda iyo South Sudan ayaa la sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay Hub casri ah ugu soo iibin lahaayeen Ciiddankooda.

Dowladahaasi waxay saddexdii sanno ee la soo dhaafay ku jireen Suuqyada hubka culus laga soo iibsado iyo inay casriyeeyaan Diyaaradahooda Dagaalka, Gawaarida Milliteriga, Hubka iyo qalabka kale ee Milliteriga.

UGANDA-ARMYKenya ayaa lasheegay inay Kaalinta 1aad kaga jirto dalalka Bariga Afrika ee kharajka ugu badan ku bixiya Milliteriga, waxaana la sheegay in sannadkii 2017kii ay 963.5 million oo Dollar ku bixisay inay ku soo iibsadaan Hub iyo Qalab Milliteri.

Tanzania ayaa la sheegay inay kaalinta 2aad kaga jirto Liiska, iyado sannadkii 2017kii 593.1 million oo Dollar ku bixisay inay soo iibsadaan Adeegyadda Millite riga iyo qalabkooda.

Uganda waxaa la sheegay inay sannadkii 2017kii ku kharaj gareeyeen lacag dhan 444.6 million oo Dollar casriyeynta Qalab ka Milliteriga.

DALKA RWANDA WAXA UU SANNADKII 2017KII KU BIXIYEY KHARAJ DHAN 11 MILLI ON OO DOLLAR INAY KU SOO IIBSADAAN QALABKA CASRIGA EE MILLITERIGA.

Dalka Burundi ayaa la sheegay inuu Kaalinta 4aad kaga jiro Dalalka Bariga Afrika ee kharajka badan ku bixiyey Qalabaynta Ciiddanooda, waxayna sannadkii 2017kii kharaj gareyeen lacag dhan 63.9 million oo Dollar.

Dalka South Sudan ee ay colaadaha burburiyeen waxaa la sheegay inay sannadkii 201kii u adeegsadeen 72 million oo Dollar inay ku soo iibsadaan hubka iyo qalabka casriga ee Milliterigooda.

Warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Caalamiga ee Cilmibaarista Nabadda ee Stocholm International Peace Research Institute (SIPRI) ayaa muujinaysa in sannadkii 2018kii ay Kenya kaalinta koowaad kaga jirtay Qandaraasyadda lagu soo iibsanayo Hubka, iyadoo dalatay 6 Diyaarad, oo ay rajeynayso inay soo gaaraan sannadkan 2019ka.

Milliteriga Kenya waxay kaloo sannadkii hore dalka Maraykanka ka heleen 8 Diyaarado Helikopteradda oo la soo isticmalaay ama Gacan Labaad ah (secondhand).

Dowladda Kenya waxay kaloo 3 Diyaaradaha Xamuulka ee C27J Spartan ka dalbatay Shirkadda Talyaaniga ee Leonardo, waxayna qiimaha guud ee Diyaaradahaasi ku kacaysaa lacag dhan 200 oo million oo Dollar.

Diyaaradahaasi waxaa la qorsheynayaa in lagu bedelo Diyaaradaha DHC 5 Buffalos ee lagu farsameeyo dalka Kanada, kuwaasi oo dhaqangabka ka noqday Milliteriga Kenya.

Sidoo kale, Kenya waxay ka dalbatay Shirkad laga leeyhaay dalka Poland 3 ka mid ah Diyaaradaha Fudud ee Xamuulka ee noocooda ah M28 Skytruck sannadkii 2016kii.

Ciiddanka Difaaca Kenya waxay kaloo Maraykanka kaalmo ahaan uga helaan 12 Gawaarida Gaashaaman ee Milliteriga ee APCs, si loogu adeegsado Ammaanka Xuduudaha iyo in lagu taageero Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabadilaalinta Somalia ee AMISOM.

Dhinaca kale, Warbixinta Cusub ee uu soo saaray Machadka Caalamiga ee Cilmibaarista Nabadda ee SIPRI waxaa lagu muujiyey in Ciiddanka Uganda ee UPDF rajeynayaan inay sannadkan helaan 45 Gaadiidka Gaashaaman ee Ciiddanka lagu qaado ee dalka South Afrika lagu farsameeyo.

Ciiddanka Uganda waxay kaloo dalbadeen hal Diyaaradaha Fudud ee DA42 ee loo adeegsado Hawlaha Sirdoonka, waxayna Diyaaradaasi ku nooc tahay Diyaarad ay Kormeerayaasha QM ee Hubka sannadkii 2016kii ku eedeeyeen dowladda Uganda inay Diyaaradaasi ku xadgudubtay cunaqabataynta hubka ee saaran dalka South Sudan.

Dalalka kale ee Afrika ee inta badan Diyaaradaha DA42 u isticmaala Hawlaha Sirdoonka ama Tababaradda Duulliyayaasha ayaa kala ah Nigeria, Ghana, South Sudan iyo Niger.

Warbixinta Machadka Caalamiga ee Cilmibaarista Nabadda ee Stocholm International Peace Research Institute (SIPRI) waxaa lagu muujiyey inay Ciiddanka dalka Tanzania xoojinayaan Awoodda Ciiddankooda, waxayna sannadkii hore heleen 3 Helikoptarada noocoodu yahay AS350, kuwaasi oo qeyb ka ahaa 10 Diyaaradahaasi oo ay dalbadeen sannadkii 2017kii.

Milliterig Tanzania waxay kaloo dalka Romania kadalbadeen 8 Diyaaradaha Helikopteradda ee noocooda kala yahay AS350 iyo AS550 iyo 2 Helekopteradda Xamuulka ee noocoodu kala yahay AS532 iyo AS332

Milliteriga dalka Rwanda waxay sannadkii hore dalka Shiinaha ka heleen Gantaaladda Lidka Taangiyada ee noocoodu yahay Red Arrow 9 oo ay dalbadeen sannadkii 2016kii.

Sidoo kale, waxay Shiinaha ka heleen 3 Gantaalladda CS/SH1 ee dhumucdooda dhan tahay 122 mm oo ay dalbadeen sannadkii 2017kii.

SALAAD ROOBDOON OO SHALAY LAGA TUKADAY MAGAALADA HARGEYSA

SALAAD ROOB DOON AH OO LAGU TUKUDAYA SOMALILNADMadaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay salaad Roobdoon ah oo shalay oo Axad ah laga oogay dhammaanba geyiga Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa salaadda roobdoonta kala qaybgalay boqolaal shacab ah oo ku tukaday Masjidjaamaca magaalada Hargeysa, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay isku tashadaan, awoodda Eebbena ku kalsoonaadaan, ducadana badsadaan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu wadaqabsadaan sidii uga qaybqaadan lahaayeen qorshayaasha waqtiyada abaaraha dadka iyo duunyaduba ku badbaadi karaan, qalbigooda iyo niyaddoodana saafi ka dhiga an.Ugu dambayntii waxa uu bulshada Somaliland Eebbe uga baryey inuu abaaraha kasoo furto, cirkana madar Khayr qayba ka siiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay quluubtooda nadiifiyaan oo ay daacad isu noqdaan

SALAAD CALI JEELLE OO KA HADLAY AMNIGA IYO DOODA G/SHACABKA

JeelleGuddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Salaad Cali Jeelle oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Amni ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Siyaasiga Salaad Jeelle ayaa carabka ku dhuftay in Al Shabaab ay ka faa’iideysanayaan xubnaha Mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay jiraan siyaasiyiin iyo dowlado shisheeye oo ku howlan duminta Qaranka, isaga oo abaaray dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Ugu dambeyn Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan siyaasiyiin badan oo sugi la’ muddada xil heynta dowladda hadda jirta.

QEYB KA MID AH DHISMAHA GAROONKA JAAMACADAHA MUQDISHO OO DUMAY IYO DAD KU DHINTAY

Waxaa Shalay soo dumay qeyb kamid ah Garoonka kubada Cagta ee Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho,iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegeen in uu soo dumay derbi ku yaallay qeybta VIPda ee Mas’uuliyiinta ay fariistaan,waxaana ku waxyeeloobay dadkii dhismaha ka shaqeeynayay.

Dhismaha soo dumay ayaa waxaa laga soo saaray 2 ruux oo Meyd ah iyo qof dhaawac ah,waxaana gurmad deg deg ah u sameeyay dad shacab ah oo goobta uu falka ka dhacay ka Agdhawaa.

Garoonka kubada Cagta ee Jaamacadaha ayaa waxa uu ku yaallaa degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana todobaadyadan ku socday dib u dhis lagu sameeynaayo Garoonka.

Waa markii labaad ee Garoonka kubada Cagta ee Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho uu sidaan oo kale u soo dumo iyadoo dhismo lagu haayo,hayeeshee xiligaas wax khasaaro ah ma uusan u geysan Shaqaalihii dhisaayay Garoonka.

ILHAAN CUMAR IYO MADAXWEYNE TRUMP OO HADALO KULUL IS DHAAFSADAY

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ka tirsan koongareeska Mareykanka ayaa shaacisay in aysan marnaba ogolaan doonin inay aamusto, kadib markii xilli ay khudbad jeedineysay ay wax ka sheegtay Madaxweyne Donald Trump sidoo kalena ay ka hadashay weeraradii September 2001.

ilhaan-iyo-TrumpMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u jawaabay ilhaan Cumar, waxaana barta Twiterka uu kusoo qoray hadalo uu ugui jawaabayey Ilhaan Cumar o ay ka mid ahaayeen” Waligeen ma hilmaami doono weeraradii 2001 iyo erayo kale

Xisbiga Jamhuuriga ayaa si kulul ugu edeeyey Ilhaan Cumar inay six un uga hadashay weeraradii Sanadii 2001,dii ,hayeeshee Xisbiga dimuqraadiga ayaa siweyn u difaacay,waxaana y sheegeen in si qaldan ay dad badan u turjumeen hadalka Ilhaan Cumar.

Ku dhawaad laba bilood oo xiriir ah ayuu socdaa hadallada xanafta leh oo ay Baraha bulshada isku marsiinayaan Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah Soomaali ka tirsan koongareeska Mareyk anka,wax aana haatan uu gaaray meeshii ugu xumeyd.

XILLIGA AY DHACEYSO DOORASHADA LABA KURSI BAARLAMAAN OO LA SHAACIYAY

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14ka bishan April waxayna ku egtahay 21April ee sanadka 2019ka.

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed " Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle " Kornel Ruush”.

Sidoo kale, Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaangelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horay u soo buuxiyay Doorashada Kuraas kala duwan oo ka banaaneyd Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo doorashadooda lagu qabtay Muqdisho & Gobolada dalka.

FAHAD YAASIIN OO KU GOODIYAY INUU DACWAD KA GUDBINAYO XILDHIBAAN KA TIRSAN GOLAHA SHACABKA

fahad-zakariyeFahad Yaasiin Xaaji Dahir, Kusimaha Taliyaha NISA ayaa ku goodiyay inuu dacwad ka gudbinayo, islamarkaana sharciga la tiigsanayo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka, kadib markii uu ka carooday su’aal uu weydiiyey xildhibaanka.

Zakariye Gaashaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa kulankii shalay ee Golaha Shacabka oo ay hortageen Taliyeyaasha ciidamada iyo Wasiirada Amniga & Gaashaandhigga, loogana hadlayay arrimaha ammaanka ayaa si toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrimo ku saabsan in NISA ay xiriir la leedahay Shabaab iyo sababtii xilka looga eryay taliye ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla oo sheegay in Shabaab ku dhex milmeen hoggaanka NISA.

Fahad Yaasiin oo hadalkaasi aad uga carooday ayaa ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogayo xildhibaanka, balse xildhibaan Zakariye ayaa diiday inuu raali gelin bixiyo, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay in Fahad laga doonayo inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay.

Fahad Yaasiin ayaa yiri "Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo, Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas, hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa”.

Dhinaca kale Kusimaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday.Somalida ku xiriirta barta Facebooka ay aa aad u hadal heysa kula nkii Baarlam aan ka shalay gaar ahaan hadalada dhexmaray Kusimaha NISA iyo

Xildhibaan Zakariye Gaashaan.

KHEYRE OO KA QEYB GALAY SHIRKA SANAD LAHA EE BANGIGA ADDUNKA

Kheyre-3Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, mudadii uu joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo kala duwan la yeeshay dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID, waxayna isku afgarteen in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kale ee uu ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka, shirkaas oo looga hadlay geeddisocodka dayncafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa isla qiray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dibuhabeynta hay’adaha nidaamka kobcinta dhaqaalaha, iyadoo Soomaaliya buuxisay shuruudahii ilaa hadda looga baahnaa barnaamijka geedisocodka dayn cafiska ee ay hay’adda lacagta adduunka korjoogtayso.

Xubin-1-696x915 (1)Waxaa la isku raacay in waddada kaliya ee lagu garab istaagi karo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay tahay in la sii ambaqaado qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka go’aanka looga gaarayo deyncafiska Soomaaliya ugu dambayn bisha Febraayo 2020.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay in dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dibuhabeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Si dhaqaalaha dalka loo hormariyo, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dhammaystirka barnaamijka deyncafiska.

WASIIR BAYLE "WAAN KU GUULEYSANAY SHURUUDIHII NALAGA RABAY EE DEYN CAFINTA”

beyleWasiirka Maaliyadda XFS Md Cabdiraxm aan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’ iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washi ngton ku sugan ayaa sheegay in DFS ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyncafinta Soomaaliya. "Wa xaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyncafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo huf naanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle

Md. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaa rtay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka. Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamu lka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo bad an oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan

PUNTLAND: XUBIN KA TIRSAN XAFIISKA XUQUUQDA AADANAHA OO IS CASILAY

Waxaa ku dhawaaqay in uu is casilay Wakiilkii xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka Puntla nd ee gobolka Karkaar gaar ahaan Magalada Khar dho, isaga oo soo bandhig ay sababaha keenay in uu xilkaasi xilligaan iska cas ilo.

Cabaas Ashkir Cabaas oo ahaa Wakiilkii xafiiska difa acaha xuquuqul Insaanka Puntland ee gobolka Kark aar ayaa qoraal uu u diray xafiiska difaacaha xuquuq da Insaanka Puntland ku sheegay in uu wadashaqeyn ka waayey xafiiska dhexe ee difaacaha xuquuqda Insaanka Puntland.

Hoos Ka Akhriso Warqada is casilaada oo uu gudbiyey.

HOWLGALKA MILLITERIGA MAREYKANKA KA WADAAN SOMALIA OO LA SHAACIYEY XILIGA LA SOO AFJARI DOONO

H-2-750x430Madaxweyne Donald Trump waxa uu isbuucii hore qalinka ku duugay Amar Fulin oo muddo hal sanno lagu kordhiyey Xaalladda Degdegga Qaranka Maraykan ka ee Somalia, iyadoo Alshabaab loo arko khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah Ammaanka Maraykanka.

Saraakiisha Difaaca Maraykanka ayaa sheergay in xitaa Bayaanka xillikordhinta Khatarta Somalia, haddana Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan gud aha Somalia waxay qaadan kartaa sann ooyin si loo dhamaystiro. Ciiddanka Khaa ska ee Hawlgalladda Maraykanka waxay tababar siiyaan Ciiddanka Qaranka Soma lia, si ay awood ugu yeeshaan Ladagaa lanka Alshabaab ee dhinaca dhulka.

Inkastoo ay Saraakiisha sheegeenm in horumar laga sameeyey dadaalkaasi, haddana waxay Saraakiishu u sheegeen Tleefishinka CNNka in Hawlgalka Tababarka Maraykanka ee Somalia u muuqato inaan la soo dhamaystiri karin ilaa 2026ka.

Kudhawaad 2 sanno, koox yar oo ka socota Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee Hawlgalladda waxay gacan ka geysteen dagaalka ay Ciiddanka Qaranka Somalia kula jiraan Alshabaab, iyagoo taageero Latalin iyo Duqeyn dhanka Cirkaiyo Dagaalka Dhulka.

Ciiddanka Khaaska Maraykanka waxay kaloo tababar iyo dhismo siiyeen Ciiddanka dhulka ee Somalia oo lagu magacaabo DANAB, kana koobnan ilaa 500 Askari.

Saraakiisha Difaaca Maraykanka waxay sheegeen in Ciiddanka Khaaska ee DA NAB oo ka kooban 3,000 Askari, kuwa asi oo awood u leh inay Alshabaab ka nadiifiyaan Tuullooyinka iyo Degmooyinka ee guud ahaan Somalia.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee "The Pentagon waxay sheegeen inay 500 ilaa 60 0Askari ka joogaan Somalia, kuwaasi oo DFS iyo Hawlgalka AMISOM ka taageera dhinacyadda Loojistikada, Sirdoonka iyo duqeymaha lala beegsado deegaanadda ay Alshabaab k uxooggan yihiin.

Lataliyayaasha Milliteriga Maraykanka waxay Somalia joogeen tan iyo ugu yaraan sannadkii 2013kii, iyagoo sanna dkii 20117kii qaatay Hawlgalka Latalinta ee Hawlgalladda Ciiddanka Khaaska ee DANAB.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia waxaa markii ugu horreysay dib loo furay sannadkii 2017kii, kadib, markii ay xirnayd tan iyo sanadkii 19911kii.

Qoraal uu Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Becky Farmer u direy Telefishinka CNNka waxa uu ku sheegay in qorshaha yahay in 2 Kambani lagu dhiso muddo hal sanno ah, oo ay wehliso in la soo dhamaystiro dhismaha 5 Guuto iyo Xarumahooda dhexe

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Marayk anka ayaa u muuqata inay cula yska saarayso waxkaqabashadda Ammaa nka Somalia, kadib, markii 18 Askar Mar aykanka lagu dilay dagaal ka dhacay ma gaalada Muqdishobishi Octo ber 3dii ee sannadkii 1993dii, iyadoo dagaalkaasi la gu soo riday Diyaarado Helikopter ee no oca Black Hawk”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip