Siyaasi ma ihi. Qeybtii 3aad.

0
Monday April 08, 2019 - 21:59:57 in Wararka by
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi ma ihi. Qeybtii 3aad.

    Danaha Isbaheysiga Badda cas ee Sucudiga & Somaliya. Siyaasadda cilmi ahaan uma baran, Xil siyaasadeedna ma qaban, waana sababta aan kuu leeyahay walaaloow/walaaleey, i fahamsii, Waxa aanan fahmin!!!!!!!. Sideey isku qabanayaan dhacdooyinka Hoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danaha Isbaheysiga Badda cas ee Sucudiga & Somaliya. Siyaasadda cilmi ahaan uma baran, Xil siyaasadeedna ma qaban, waana sababta aan kuu leeyahay walaaloow/walaaleey, i fahamsii, Waxa aanan fahmin!!!!!!!. Sideey isku qabanayaan dhacdooyinka Hoos ku qoran & Doorka Somalida, waa muhim in lala socdo isbedelada ka dhacayo wadamada Geeska Afrika.

1- Magaalada Riyaad ee Sucudiga ,waxa shir ey soo abaabushay kuna qabtay Boqortoyada Sucuudiga 12/Dec./2018 si loogu dhiso Ururka ( AARSGA) Arab and African Coastal States of the Red Sea and the Gulf of Aden. Waa kan loo bixiyay Isbaheysigii Badda Cas. Si looga hor tago wadamada Iran, Qatar iyo Turkey , iyo dano kale oo aan la sheegin. Shirakaa waxaa ka soo qeyb galay 7 Dal oo xad la leh Badda cas oo kala ahaa: Jordan, Masar, Sudan, Somaliya, Jabuti, Yemen iyo Sucuudiga.

Shirkaa kama soo qayb galin Dowlada Eriterya oo Badda cas ku leh xuduud badeed dhan 715 Mile, iyada oo colaadi kala dhexeeyso sucudiga, iyo Israel oo ey fileysay in lagu casuumo, dhinaca kale Sucudiga ayaa rabay in Itobiya oo aan xududd badeed ku leheyn Badda cas in lagu casuumo, iyada oo loo tixgalinayo Dowlad awood leh oo deegaanka degan, arrintaa Sudan ayaa diiday,oo ku dooday Badda cas Itobiya xad lama lahan, sababta ey ciidan Badeed u dhisanee ha naloo cadeeyo.

Shirkaasi waxa uu ku dhamaaday Guul daro iyada oo aan wax go’aan ihi ka soo bixin, waxase la go’aamiyay in khubaro farsamo ey isagu tagan Qaahira si deg deg ah, Laakin shirkaa dambe waa baaqday ,waxaa baajiyay, Jordan oo aan xirrir fiican la leheyn Sucuudiga, Eriteriya oo ka shakisan Itobiya, Sudaan oo aan ogoleeyn Dal aan Badda cas xuduud ku leheyn in lagu daro, Jabuti ayaa iyana saacadihii u dambeeyay ka cudur daaratay iyada oo Sucuudigu uu gacan joogtaa ku siiyo Imaaraadka oo Jabuti ku dacweynayo Heshiiskii Dekada Jabuti, Somaliya iyo Yaman waxa ey u baaqdeen shirkii ayaa baaqday laakin diyaar ayeey iska ahaayeen.

2- waxaa kale oo jira dagaalkii Dekedaha oo ah in lala wareego dhamaan Dekedeha ku teedsan Badda Cas ee Dowladaha liitaa ey leeyihiin, si loo awoodo in la maamulu dhaqdhaqa Maraakiibta Caalamka. Waan tan keentay, in Dowladda Shiinuhu, xataa ey ku fekerto meel Dalkeeda ka baxsayn in ey ciidan geeyo markii ugu horeeysay taariikhdeeda cusub. Taa oo Jabutina ey uga badbaaday in hal dhinac ey u gacan gasho xataa saaxiibadeedii ugu dhawaa, weyna ku saxan tahay, intii quwadaha waaweyni ey Jabuti mashquulin lahaayeen in ey iyagu dhaxdooda isku mashquulaan.

3-Masaaridu waxa ey bedeshay Siyaasadeedii ku aadaneed somaliya ,mar haddii ey Itobiya kala heshiisay arrimaha wabiga Nile, hadda waxa ey taageertaa danaha Itobiya. waxa kale oo ey isku xirtaa Itobiya, Sucuudi iyo Imaaradka oo dhamaan is xulufeeysi kala dhaxeeyo, dhamaanna ey ku heshiiyeen in Turkiga laga ilaaliyo geeska Afrika. Kadibna Masar waxa ey si rasmi ah u marti qaaday wafdi ka socdo Somali land iyo mucaaradka Dowlada.

4- Dhinaca kale waa markii ugu horeeysay ee Kenya iyo Talyaanigu si wada jira ey uga soo hor jeestaan Dowlad Somaliyeed ee hadda dhisan taa oo iyana culeys cusub nagu noqonee.

5- Sucuudiga ayaa u balan qaaday wadamadaa wadaaga Badda cas mashaariic dhan $ 500 Bilyan ( Not Million) inta ugu bandanna waxaa la siiyay wadamada Jordan iyo Masar. Annaga qeybteenii aawday?

6- Badda Cas waxaa mara 13% ganacsiga Aduunka , waa marin badeedka isku xira Bariga dhexe iyo Geeska Afrika, 4.8 Milyan oo fuusto oo shidaal ah oo yurub u socoto ayaa maalin kasta marto, waxaa laga baqaa in Xuutiyiinta yaman ey jidka u galaan ama in ISIS-ta Somalia ey ku xoogeysto Badda cas.

7-Deynta Itobiya lagu leeyahay waa $ 29.09 Billion ( 31/12/2017 wixii ka Dambeeyay ee Deyn lagu yeeshay 2018 ma ogi) Deyntaa $17 Billion oo ka mid ah waxaa ku leh Shiinaha, Annaga waxaa nalagu leeyahya $ 5.3 Billion. Laakin Itobiya heshiisyada ey nala gashay,qaarkood waxa ey ka leedahay dana dhaqaale oo ey deyntaa isaga bixiso, anaguna hanalaga cafiyo oo kaliya, qorsha la’aan.

8- UAE &Sucuudigu ma bixin lacagtii ey u balan qaadeen Itobiya, iyaga oo ku xiray isbedel dhul beereedka milkiyadiisa, waxaa booskoodii kala wareeagay Turkiga oo $1Billion ka badan ku maalgashaday & Qatar oo $ 1 Billion ku maal gashatay . markii ey ka quusteen Balantii UAE & Sucuudiga. Ethiopia ma sii jiri karto haddii eyna helin Maalgashi deg deg ah, Abiye ayaa aaday Qatar waxaana la siiyay maal gashay $ 5 Billion, taas ayaa keentay in Itobiya Dan biddo dhinaca Turkiga, Qatar iyo Jabuuti ,Sadexdaa dal oo Colaadi kala dhexeeyso Sucuudiga iyo Imaaraadka.

9- Eriterya ayaa wafdi heer sare ah u dirtay Somal land, una muuqda in ey leedahay, Dekeda Seylac ha laga ilaaliyo Itobiya oo damacsan in Deked iyo saldhig ey ka siiso Dowlada Somalidu, waa sida Cilmi baarayaasha qaar ey qabaan, taa oo culeys ku noqon karto Dekeda Asmara, arrintaa oo aan laga tix galin Dowlada Somalia , kadibna wafdi Eriterya ka socdo ayaa yimid Mogadishu 6/4/2019.

10-Anagaa ugu muhimsan wadamada Badda Cas, waxaan isku xirnaa, Badda Cas, Badweynta Hindiya, iyo waddada loogu leexdo Gacanka Carbeed, miisaankaa ALLA na siiyay ee degaan, wax u dhigmo ma la shir tagnay?, waxaan nahay Kanaal Suweeys Dabeeci ah, haddi cirifka Raaska Somlida aad fiiriso, ee ajende ma la tagnay?. Ma jiraa guddi u fadhiyo si joogta ah oo wax falanqeeyo,in lala ciyaaro Siyaasadda isbedelee ee geeska afrika?.

11- Sida Muuqato Somalia waxa ey ku jirtaa Go’doon siyaasadeed, wadamada geska: Kenya waa nala col oo safaaradihii ayaan kala qaadanay, Ugandha iyo Burundi oo ciidamo ka joogaan waa nala col runtii, Walaalaheen Jabuuti waxaan uga hiilinay Eriteriya oo dhul ka heeysato, Sudaan aragti ahaan waan sii kal fogaanay, Masar waa naga guurtay, Turkey qorshihii uu naga filayay waa ka quustay, Sucuudi iyo Imaaraadku na aamini mayaan, Qadar danheeda ayeey eeganee, UN iyo EU wakiiladoodii ayaan erinay, Mareykanku isgaa si cad u yiri: Somaliya la dagaalan argagiso oo kaliya ayaan ka daneynaa waqtiga, Canada sabab la’aan ayaan cambareynay, Ingriisku Albaabadii uu noo furay haddana waa wada xiray, Jaamacda carabtu go’aan eyna naga fileyn ayaan qaadanay, Itobiya oo kaliya ayaa noqotay Saxiibkeena Danhiisa ilaashado. Ma nihin Dad Jaziirad degan waa in aan helnaa siyaasad aan kula macaamilno Aduunka, annaga oo danaheyna ilaa shaneeyno.

12- Talo ahaan: Waxaa haboon in loo helo, dad Aqoon u leh arrimaha isbedelka iyo Badda Cas, Soow ma haboono in la dhiiri galiyo Dhalin yarada soo baratay Cilmiga siyaasadda "Political Science” iyo khubarada kale ee Somalida ah, ma ahan shaqsiyaad Aniga oo kale ah oo aan Aqoon fiican u leheeyn arrimaha siyaasadda in lagu haleeyo , Aniga iyo kuwa ila midka ee aan ku taqasusin siyaasadu waa in aan ku ixtiraamno walaalaheena Bartay ama Khibrada u leh siyaasadda, kuna kaalmeeyno wixii karaankeena ah.Shaqa kastana Ciddii taqaan lagu aamino laguna gacan siiyo.

Ummaduhu waxa ey leeyihiin arragti fog, Mustaqbalka Jiilasha dambe ayey ka fekeraan, halkii ey u arkaan in danta Dadkoodu ku jirto dhinacaa ayeeyna u weecdaan. Annaga aragtideenu ma dhaafsano 2020 Miyaa?. Anaga ayaa dhaxdeena isku mashquulsan Miyaa?. Annagu Jiil Mustaqbalkiisa laga fekero ma lihin miyaa?

Sidee wax u jiraan? Fadlan i fahamsii, sidii aan kaaga codsaday bilawga qormadaan.

Wixii aan ka khaldayna ka sax qormada Sare.

La soco Qeybta 4aad ee Siyaasi ma ihi.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip