Jamaahiirta Juventus Oo Warfarxad Leh Ka Helay Dhaawaca Cristiano Ronaldo

1
Wednesday April 03, 2019 - 23:24:14 in Wararka by
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Juventus Oo Warfarxad Leh Ka Helay Dhaawaca Cristiano Ronaldo

    Juventus ayaa war farxad leh ka heshay dhaawaca Cristiano Ronaldo ka hor kulanka xiisaha badan oo ay la ciyaari doonaan Ajax Amsterdam, labadaan kooxood ayaana ciyaari doona quarter final-ka tartanka horyaalada yurub. Xiddiga reer Portugal ayaa cabs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juventus ayaa war farxad leh ka heshay dhaawaca Cristiano Ronaldo ka hor kulanka xiisaha badan oo ay la ciyaari doonaan Ajax Amsterdam, labadaan kooxood ayaana ciyaari doona quarter final-ka tartanka horyaalada yurub. Xiddiga reer Portugal ayaa cabsi badan laga qabay inuu seegi doono lugta hore ee 10-ka April labada kooxood ku ciyaari doonaan Johan Cruyff Arena kadib dhaawac soo gaaray isagoo matalaya qarankiisa Portugal kulamadii isreeb-reebka koobka qaramada yurub.

Turin farxad yar ayaa ka jirta maadaama lambarka 7-aad ee Portugal uu sameeysy soo kabsasho layaab leh isla markaana uu diyaar u noqon karo kulanka lugta hore ee Ajax, sidoo kale waxaa lasoo warinayaa inuu taam buuxa u noqon karo kulanka Ac Milan balse uusan dooneyn inuu halis galiyo naftiisa.

R7 oo si aan caadi aheyn Juventus ugu soo saaray wareega quarter final-ka Champions League kadib markii uu sadexley ka dhaliyay lugtii labaad Atletico Madrid ayaa mar kale diyaar u ah inuu kooxdiisa wareegyada xiga geeyo.

Kabtanka Portugal markii lixaad ayuu doonayaa inuu hantiyo koobka Champions League, waxeyna u noqon kartaa markii afaraad oo xiriir ah hadii uu fasalkaan Bianconerri kula guuleysto koobkaan oo ay ugu dambeysay 1996.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip