Dowladda Somaliya oo dalka Mareykanka ka hirgelisay xarun laga qaato Basaboorka Somaliga

0
Tuesday February 02, 2016 - 00:36:36 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo dalka Mareykanka ka hirgelisay xarun laga qaato Basaboorka Somaliga

    Waxaa markii ugu horeysay dalka Mareykanka laga hirgeliyay xafiis ay shacabka Somaliyeed ka qaadan karayaan basaboorka Somaliga. Dadka Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isla-markaana aan weli la siin sharciga wayn ee dalkaasi ayay tani fursad u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa markii ugu horeysay dalka Mareykanka laga hirgeliyay xafiis ay shacabka Somaliyeed ka qaadan karayaan basaboorka Somaliga. Dadka Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isla-markaana aan weli la siin sharciga wayn ee dalkaasi ayay tani fursad u tahay.

Taliyaha Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya, General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa waxaa uu bidhaamiyay in si rasmi ah ay xafiis kaga furteen wadanka Mareykanka.

Taliyaha, ayaa sheegay in xafiiskan uu bixin doono basaboorka Somaliga, ayna ka faa’iideysanayaan dadka Somaliyeed, ee u baahida qaba inay hellaan basaboorka dalkooda.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday laga billaabo toddobaadkan in si buuxdo uu u hawlgeli doono xafiiskaasi.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa qaba in xafiiskan uu dabooli doono baahida ay dadka Somaliyeed u qabaan inay hellaan amaba qaataan basaboor Somaliga, sida uu yiri.

Magaalada Muqdisho, ayaa ah xarunta ugu wayn ee laga bixiyo basaboorkan, waxaana Garoonka Aadan Cadde laga hirgeliyay qalab casri ah, oo toboneeyo daqiiqo ku soo saari kara basaboor cusub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip