Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn oo ka wadahadley amniga, horumarinta iyo iskaashiga gobolka

0
Monday February 01, 2016 - 23:04:29 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn oo ka wadahadley amniga, horumarinta iyo iskaashiga gobolka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka amniga gobolka, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhimadda isku dubbaridka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo bishan dhammaadkeeda ay madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kulan ku yeelan doonaan magaalada Djibouti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya oo haatan ka soo kabsaneysa colaado muddo dheer socdey, ay diyaar u tahay inay iskaashi iyo wax wada qabsi buuxda la yeelato dalalka gobolka.

Ra’iisul Wasaarahe Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo si buuxda u soo kabsatey, gobolkana kala shaqeysa dhinacyada amniga, la dagaalanka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee horumarinta.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ay ka wadahadleen kulan madaxeedkii shaley dhammaadey ee Midowga Afrika, oo laga soo saarey go’aano wax looga qabanayo xasaradaha qaaradda ka jira iyo ajendaha horumarka Afrika.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socdey labada dhinac, waxaana uu ku soo dhammaadey jawi is-afgarad leh.

—————————-DHAMMAAD—————————

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A8778

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (bidix) iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn. Addis Ababa, 1-02-2016. Photo by Villa Somalia

IB0A8767
IB0A8772

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn. Addis Ababa, 01-02-2016. Photo by Villa Somalia

IB0A8784
IB0A8783
IB0A8785

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip